Madaxweynaha Soomaaliya oo amniga kala hadlaya hoggaamiyeyaasha iyo dadka Afgooye

Juunyo 12, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii (11-ka June) yimid Afgooye isagoo hoggaaminaya wefti ka kooban wasiirro iyo saraakiil milliteri ah, Raadiyow Muqdisho oo ay dawladdu leedahay ayaa arrintaa weriyey.

Weftiga ayaa qorshaynaya in uu Talaadada shirar la yeesho saraakiisha Maxalliga ah, hoggaamiyeyaasha diinta iyo kuwa qabaa’ilka ee ku sugan Afgooye si ay ugala hadlaan sidii loo xoojin lahaa nabadgalyada loona sugi lahaa amniga dadka rayidka ah.

Axmed wuxuu sidoo kale wadahadallo bersooyin ah la yeelan doonaa dadka degaanka ah si uu ugala hadlo qaababka loola dagaallamayo xagjirnimada iyo sida ugu wanaagsan oo maamul dawladeed looga dhisi karo degmada.

Ku dhixidda uu madaxweynuhu Afgooye habeenka joogayo ayaa ah markii ugu horraysay ee uu madaxweyne Soomaali ahi uu habeen baryo Afgooye in ka badan 20 sanadood.

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ayaa bishii ina dhaaftay qabsaday Afgooye oo ahaan jirtay meel ay al-Shabaabku ku xooggan yihiin.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • nimubona ernest
    June 13, 2012 @ 01:38:08AM

    nabada ay soomaali gaadhaa waa mid soomaalida wax u ah, markaa waa inay hormood ka noqdaan soo celinta daganaanshaha, hambalyo mudane madaxwayne.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada