Juunyo 11, 2012
Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada huwanta ah ayaa qorsheeynaya in ay ka takhalusaan al-Shabaab inta ka horeeysa waqtiga ay dhammaanayso sharciyadda ku-meel-gaarnimada ee August, sidaana waxa sheegay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali.
“Ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika, ayaa waxa ka go’an in ay Soomaaliya ka tirtiraan awoodda al-Shabaab,” ayuu Cali Isniintii (11-kii June) ku yiri Shabakadda Wararka Shabeelle. “Al-Shabaab waxa ay lumisay inta badan dhulalkii ay ka talin jirtay muddadii 18-ka bilood ahayd ee ay socdeen weerarrada ay wadeen ciimada Midowga Afrika, dawladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.”
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa huwantu waxa ay qabteen gobollo muhiim ah oo ku yaal koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, haddana waxa ay sii wadayaan dadaalkooda ay al-Shabaab kaga saarayaan meelaha gacantooda ku haray, ayuu yiri Cali.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Ilaaahay ha nacdalao dhamaan kooxaha argagixisada ah ee isku dayaya inay fuliyaan weeraro xumaato iyo nacayb ku dheehanyahay, kuwaasoo u gol leh inay dadka ku dhex beeraan kala qaybsanaan, gacan-kahadal iyo dhagarqabnimo, waxaa intaasi dheer iyagoo sii hurinaaya dabka khilaafaadka jira. Argagixisadu waxay sababeen dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan, halkaasoo ay dadkaasi ku dhinteen qaraxyadii, ismiidaamintii, dilkii, afduubkii, umuldooxii, tuugadii, jidh-dilkii iyo ku-xadgudubkii joogtada ahaa ee isdaba jooga ahaa, ee loo gaystay muwaadiniinta aan waxba galabsan. Kooxahani waa kooxo argagixiso ah, kuwaasoo u heegan ah inay xoolo urursadaan islamarkaana ay ku ciyaaraan qaranka amaankiisa iyo daganaanshihiisa. Ujeedadoodu waa inay soomaaliya ka dhigaan meel fawdo ah oo aan salka dhigan, oo aysan ka jirin nabad iyo daganaansho midna. Markaa ilaahay ha nacdalo qof kasta oo dadka u gaystay dhibaato, waxyeelo, argagixiso iyo shar. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu qofkasta ka badbaadiyo sharkooda iyo waxyeeladooda, oo uu dalka usoo cesho nabadiisii. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu dalalka ay dhibtanoo kale haysato uu dhamaan ka dul qaado dhibtan. Qof kastaa wuxuu haatan dareensanyahay cadaadiska ay sababeen dagaalada iyo argagixisadu, ee ay ka dambeeyeen kooxahaas dhagarqabayaasha ahi ee gaangistarada ah. Waxay kooxahani isku dayayaan inay xoog ku qabsadaan dadka, waxaanay ka faa’idaysanayaan xaaladda xun ee dalku ku jiro, iyagoo raba inay dadka soo dhex galaan, kadibna ay argagax iyo cabsi ku ridaan. Kooxahani waxay rabaan inay fidno, madhab-nacayn, calool-xumo, cadaawad iyo dagaal sokeeye ay dadka ku dhex beeraan, si ay fawdadu dalkoo dhan u gaadho.
Soomaaliya waxa ka jira kooxaha argagixisada kuwooda ugu khatarsan qaarada afrika, kooxdaasi waa kooxda alshabaab, waxaanay dadka ka gashay dhagaro farabadan, waxaanay baabiisay dadka maalkoodii. Dambiga ama dhagarta ugu wayn ee ay kooxdani gashay waa shaqaaleynta caruurta, iyo u adeegsigooda sidii oo ay yihiin askar, iyagoo leh carruurta waa laga takhalusi karaa. Sidoo kale, kooxda alshabaab waxay ku lug leedahay dilka, halkaasoo ay kooxdani layso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, dadkaasoo ku dhinta dagaalada ay kooxdu la gasho dawladda federaalka ku meel gaadhka ee soomaaliya. Kooxda alshabaab waxay sidoo kale ku lug leedahay falal-dambiyeedka ka dhaca dalalka jaarka ah, sida Kenya iyo itoobiya. Dambiyadani waa qaar aan u wacnayn dadka soomaaliyeed iyo qaarada afrika toona guud ahaan, sababtoo ah maalgashadayaasha shisheeye ayay fogaynayaan, arrinkaaso si xun u saamaynaya dhaqaalaha qaarada afrika.