Madaxweynihii hore ee Tansaaniya: Rabshadaha hugan magaca Islaamka waa ‘jirriyeeyn’

Juunyo 10, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynihii hore ee Tansaaniya Cali Xasan Mwinyi ayaa waxa uu ka hadlay rabshadaha hugan magaca Islmaamka isaga oo ka hadlay munaasabad masjid looga furayay Singida ee xaafadda Majengo Sabtidii (9-kii June), sidaana waxa wariyay wargayska Daily News.

Madaxweynaha howl-gabka ah ayaa hadalkiisa ku abbaarayay dad abaabulay dibad-baxyo ka dhan ah dadka Maxiixiyiinta ah ee ku nool Zanzibar todobaad ka hor, markaasoo la gubay lix kaniisadood. Sidoo kale waxa uu ku dabakhay dagaallada diineed ee ka socda gobolka.

“Kooxo badan oo Muslim ah oo leh ulajeeddooyin shareed ayaa ka soo baxayay meel walba. Boko Haram, al-Shabaab, Uamsho iyo kuwo kale,” ayuu yiri. “Kulligood waxa ay iska dhigayaan in ay diinta Islaamka dusha ka yaqaanaan, oo ay xitaa ka badiyaan Nabi Muxamad ruuxiisa.”

“Maanta dadkaas isu haysta in ay u yimaadeen in ay baraarujiyaan Muslimiinta “hurda” ee dalka waxa ay sababeen qalalaase aan loo baahnayn iyaga oo dab ku qabtay kaniisandihii. Taasi maaha tallaabo Islaami ah; waxaan ugu yeeri karaa fowdo,” ayuu yiri

Mwinyi waxa uu dhalleeceeyay dagaalka lagu hayo dadka Masiixiyiinta ah ee Kenya, isaga oo sheegay in isa saamaxa diineed uu ahaa dhaqan muddo badan ka soo jiray mandiqadda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 6)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • epimack
    June 12, 2012 @ 08:23:54AM

    Waa arrin niyad-jab ah in qofku arko ururadaas islaamiga ah ee sheeganaya waxyaabo aan la garanayn, ee ugu dambayntiinaa argagax ku ridaya hogaamiyayaashooda. Anigu waxaan ku talinayaa in si adag looga hawl galo sidii dhaqaalaha loo hagaajin lahaa, oo la iska ilaaliyo in murano bilaa macno ah lagu mashquulo. Dadkani waa inay fahmaan in diimahani ay waligood jireen, markaa hadday dagaal-ujeed yihiin, may la dagaalamaan awawyaasheen inta ay annaga nala dagaalamayaan. Waxa inagu waajib ah in kalgacaylka la faafiyo, oo hawlkarnimada la dhiirigalsho, oo nolol wacan lagu noolaado. Haddii dadku ay rabaan inay ilaahoda misaajidka ku caabudaan, waa si wacan, haddii ay rabaan inay ilaahoda kaniisadda ku caabudaana waa si wacan, haddii ay rabaan inay ilaahooda dhagax dushii ku caabudaana waa si wacan, markaa meeshii la doono cibaadada halala tago, iyadoon la jabinayn qaanuunka u yaala dalka, ama aan wax la yeelayn qofkale.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada