Juunyo 10, 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Cabdisalaam Macallin Maxamuud ayaa hadal uu dadka u jeediyay Axaddii (10-kii June) waxa uu ballan-qaaday in nabaddii ay ku soo noqon doonto Soomaaliya, sidaana waxa ku warramay Shabakadda Wararka Shabeelle.
Isaga oo ka hadlaya xaflad ka dhacday degmada Howl-wadaag ee Muqdisho, ayuu Maxamuud waxa uu sheegay in la meel-dhigay qorshe lagu horumarinayo nabadda, sharciga iyo kala dambaynta magalaada.
“Waxan ku boorrinayaa dadka reer Muqdisho in ay iskaashadaan oo ay gacan siiyaan ciidamada ammaanka dawladda Soomaaliyeed si ay markaa u hanato ammaanka guud ee magaalada, isla markaana ay uga hortagto weerarrada lagu hayo dadka rayidka ah,” ayuu yiri.
Bishii hore, qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay caasimadda ayaa dilay ugu yaraan todoba qof, oo u badan askar. Todobaadkii horena, rag hubaysan ayaa dilay nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Turkiga.
Magaalada Muqdisho ayaa waxa maamulkeeda gacanta ku hayay Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya tan iyo markii al-Shabaab laga saaray Muqdisho bishii August 2011-kii.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Aad ayaad u mahadsantihiin ciidamada AMISOM (ee ka socda ururka AU da), waxanad ku mahadsantihiin hawsha aad qabateen, soomaaliyana 20 sano kadib nabad ayay kusoo noqon doontaa, waxaanad dhab ahaantii arrinkaa ku mutaysateen amaan. Ha noolaato AMISOM, ha noolaado ururka AU da ee midawga afrika. Anigu dhankayga ma rabo in wada hadal nabadeed lala galo kooxda alshabaab, sababtoo ah markay arkeen in la jabiyay, ayay rabaan in wada hadal lala galo, arrinkaasi waa maya, AMISOM na waa inay alshabaab edbintooda halkaa kasii wadaan, oo aysan wax naxariis ah u galin.