Juunyo 10, 2012
Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha ayaa dhalleeceeyay bar-tilmaamaysiga joogtada ah ee sii socda ee lagu hayo saxafiyiinta kadib markii habeeynimadii Jimcaha (8-dii June) la toogtay oo la dhaawacay wariye Maxamed Nuur Shariif.
Shariif, oo u shaqeeya Raadio Bar-Kulan-ka ay Qaramada Midoobay maal-galiso, ayaa la toogtay xilli uu ku sii socday gurigiisa isaga oo ka yimid degmada Xamar Jajab ee Muqdisho. Saddex nin oo ku hubaysan bastoollado ayaa laba jeer shafka iyo dhabarka ka toogtay Shariif, sida ay sheegtay Bar-Kulan.
Shariif ayaa waxa qaliin loogu sameeyay Isbtiaalka Madiina si looga soo saaro rasaasta, taasoo fariisatay caloosha, sida lagu waramayana si wanaagsan ayuu u soo kabanayaa. Tani waa markii labaad ee Shariif lagu dhaawaco shaqadiisa. Bishii April, waxa uu ka mid ahaa daraasiin saxafiyiin ah oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Masraxa Qaranka oo ay ka dambaysay al-Shabaab.
“Waxannu dhalleeceeynaynaa weeraradan foosha-xun ee lagu hayo jaallayaasheen iyo sida ay kuwa weerarka geeysta ayan wax ciqaab ah u helin,” sidaana waxa yiri Maxamed Ibraahim, Xoghayha Guud ee Midiwga Saxafiyiinta Soomaaliyeed. “Waxaannu ugu yeeraynaa dawladda Soomaaliyeed in ay shilkan ku sameeyso baaritaan deg deg ah oo caddaalad ah.”
Ururka Qurba-joogta Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SEJASS) oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa sidoo kale dhalleeceeyay isku dayga dil, isla markaana ugu yeeray dawladda Soomaaliyeed “in ay baaritaan buuxa ku sameeyso xaaladda si markaa dadkii dambiga loo gaystay caddaaladda loo hor keeno."
“Weerarrada lagu hayo saxafiyiinta waxa ay khatar ku yihiin xoriyadda saxaafadeed ee dalka,” sidaana waxa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay madaxa SEJASS Maxmaed Cismaan Xuseen.
Ma jito cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Illaa iyo haatan, shan saxafi oo Soomaali ah ayay ragg hubaysan oo aan la garanayn ku dileen Soomaaliya sannadkan.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
warrarkii u danbeeyay ee soomaaliya
Alshabaab waa inay ogaadaan in marka ay laynayaan dad aan waxba galabsan, ay xabaashoodii gacmahooda ku qodayaan, waxaanay xaadhayaan waddadii uu baaba’oodu soo mari lahaa,