Turkiga oo kordhinaya mashaariicda uu Muqdisho ka wado

Juunyo 08, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Turkiga ayaa ballan-qaaday in ay sii kordhinayaan mashaariicda gargaarka iyo horumarinta ee ay ka wadaan Muqdisho, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaaddir, Maxamed Axmed Nuur.

Nuur ayaa sheegay in ay Turkigu ballan-qaadeen in ay taageeraan maamulkiisa iyagoo dhisaya guryo iyo kaabayaal kale, iyo weliba in ay bixiyaan adeegyada bulshada sida biyaha iyo korantada, Idaacadda Bar-Kulan ee ay Qaramada Midoobay maalgeliso ayaa arrintaa Khamiistii (7-da June) werisay.

Nuur ayaa sheegay mar dhaweyd oo uu booqasho ku marayey Istanbuul in madaxda Turkigu ay ballan ku qaadeen in ay sii kordhiyaan caawinta si ay dib ugu soo bilaan uguna dhisaan Muqdisho.

Turkiga ayaa ahaa mid ka mid ah kuwa ugu weyn dalalka deeqaha siiya Soomaaliya, iyagoo Muqdisho ka aas-aasay hay’ado caafimaad iyo kuwo waxbarashaba. Hay’adaha Turkiga ah ayaa wax ku kordhiyey mashaariic dhawr ah oo horumarineed oo Soomaaliya ka jira oo ay ka mid yihiin machad farsamada ah, ceelal biyood iyo meel agoonta lagu xannaanneeyo.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 10)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada