Juunyo 08, 2012
Burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa sii deysay markab booyad ah oo qaada kiimikada iyo saliidda oo laga leeyahay Giriigga oo ay saarraayeen 21 shaqaale reer Filibbiin ah, ka dib markii ay haysteen in ka badan toddoba bilood, SunStar-ta Filbbiin ayaa werisay.
Afhayeenka Wasaaradda Arrinmaha Dibedda ee Filibbiin, Raul Hernandez ayaa Jimcadii (8-da June) sheegay in MT Liquid Velvet Isniintii la sii daayey, ka dib markii la haystey ilaa October 31-geedii, 2011.
Markabka booyadda ah ayaa haatan u sii gooshaya dhinaca dekedda Salalah ee ku taalla dalka Cumaan. Ma jirin warar degdeg ah oo sheegaya iyo madaxfurasho la bixiyey iyo in kale.
Burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa weli haysata 45 shaqaale maraakiib oo reer Filibbiin ah oo kala saaran shan markab oo haatan ku sugan Gacanka Cadmeed, ayay werisay jariidaddu.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo