Barakacayaal Soomaali ah oo helay guryo cusub

Juunyo 08, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Boqollaal ka mid ah dadka gudaha ku barakacay oo ku sugan Puntland ayaa helay guryo cusub Khamiistii (7-dii June) iyadoo halkaa ay ka dhacday xaflad wareejin ah oo ay samaysay Hay’adda Golaha Qaxootiga Norwey (NRC) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan qaxootiyaasha ee UNHCR.

Hay’adahaa qaxootiga ayaa 250 guryo joogto ah siiyey bulsho ku dhaqan Waqooyiga Gaalkacyo, taas oo hoy siinaysa ilaa 1,500 oo dad ah oo barakacayaasha gudaha ka mid ah, ayay tiri NRC-du.

Saraakiisha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba waa ay ka soo qayb-galeen deegaanka Halaboqaad, waxaana halkaa ka dhacay khudbado iyo carruur heesaysa. NRC-da iyo UNHCR-ta ayaa maalgeliyey oo abaabulay dhismaha guryaha.

"Waa maalin wanaagsan u goob joogidda qoysaskan oo dhan oo helaya furayaasha guryahooda cusub,” ayuu yiri Xasan Khayre oo ah isudduwaha gobolka ee NRC. “Dadkani waxay barakaceen dhawr jeer, sanado badanna waa ay soo harjadeen. In ay helaan guryo joogto ah waxay u sahlaysaa in ay dib u abaabushaan nolol sharfan.”

"Siintooda dhul iyo qoys kasta oo ay siiyeen shahaado lahaansho, dawladda hoose ee Gaalkacyo waxay qaadday tallaabo dheeraada ah oo ay u qaadday dhinaca wada-noolaasho nabdoon,’ ayuu yiri Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Bruno Geddo.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad