Juunyo 08, 2012
Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka (DFKMG) ah ee Soomaaliya ayaa Jimcadii (8-da June) soo dhaweysay yabooha ay dawladda Maraykanku malaayiinta doollar oo abaalgudka ah ugu yaboohday ciddii keenta xog sabab u noqota qabashada madaxda sarsare ee al-Shabaab.
"Shaacinta ay maanta dawladda Maraykanku shaacisay in ay xoolo 7 milyan oo doolar ah saartay madaxa hoggaamiyaha argaggixisada al-Shabaab waxay dhab ahaantii caawin doontaa dedaalka dawladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay soo af-jarto taladii argaggaxa lahayd ee al-Qaacida ee Soomaaliya ka jirtey,” ayay DFKMG ahi ku sheegtay war-murtiyeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa toddobo ka mid ah madaxda dhaqdhaqaaqa al-Shabaabka ee isagu al-Qaacida xulufada la ah Khamiistii ku dartay barnaamijkeeda Abaamarinta Caddaaladda.
Lacagta ugu badan waxaa la dul saaray aas-aasaha kooxda Axmed Cabdi Aw Maxamed oo loona yaqaan Axmed Godane ama Mukhtaar Abuu Subayr, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibeddu oggolaatay in ay 7 milyan oo doolar oo abaalgud ah ku bixiso xogta ku saabsan meesha uu ku sugan yahay.
DFKMG ah ayaa sheegtay in Godane “uu mas’uul ka yahay dilka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee lagu laayey Soomaaliya dhinacyadeeda oo ay ka mid yihiin weerarrro argaggixiso oo isxig-xiga oo ay al-Shabaab ka fulisay waddamada deriska ah.”
5 milyan oo doolar oo dheeri ah ayaa la dul saaray xubno kale oo al-Shabaab ah – Ibraahim Xaaji Jaamac, Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamuud, iyo Mukhtaar Roobow.
Ilaa 3 milyan oo doolar ayaa la dul saaray Zakariya Ismaaciil Axmed Xirsi iyo Cabdullaahi Yare.
"Tani waa madal muhiim ah oo ka mid ah taariikhda Soomaalida, waa mar ay inoo dhaw dahay in aannu si buuxda uga soo kabanno sanado badan oo qalalaase ah oo aannu soo marnay,” ayaa lagu yiri oraahda. “Dawladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqaysa in ay sii waddo taageerada hay’adaha si loo xaqiijiyo in ay Soomaaliya ka guulaysato al-Qaacidada la jebshay iyadoo la garabsanayo dadka Soomaaliyeed."
Maamulka Ahlu Sunna wal Jamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa iyaguna soo dhaweeyey lacagtaa ay Maraykanku ku yabooheen, iyagoo ku sheegay tallaabo horay loo qaaday oo ka mid ah dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, Idaacadda Bar-Kulan ee ay Qaramada Midoobay maalgeliso ayaa arrintaa Jimcadii werisay.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Ururada argagixisada ahi waxay waayeen taageerayaashoodii, sababtoo ah taageerayaashaas ama waa la xidhay ama waxa lagu laayay dagaaladii ay kaga hor yimaadeen ciidamada amaanku. Tani wa ta ku kaliftay kooxahan inay markasta ay baadigoobaan dad cusub ama xubno cusub oo ay shaqaalaystaan, si ay u laayaan dad kaleeto oo aan waxba galabsan. Markaa doorka ay tahay in warbaahintu ciyaartaa waa inay dadka wacyi galisaa, oo ay dhalinyarada ka wacyi galiyaan hababka ay kooxahaasi kusoo jiidan karaan iyaga. Sidoo kale, jaamacadaha iyo iskuuladu waxay ciyaaraan door muhiim ah, waxaana ay taa kala mid yihiin masaajidada iyo madax dhaqameedyada, oo iyaguna door firfircoon ku dhex leh bulshada ciraaq. Waxa la gudban kooxahan inay si dagdag ah u baxaan, oo ay joojiyaan isku dayga ay isku dayayaan inay shaqaaleeyaan oo ay ku ciyaaraan dhalinyarada, si ay marlabaad usoo kabato argagixisadu. Hadii ay caruurteenu ku biiraan kooxahan, waxay ku dambayn doonaan iyagoo ku dhinta gacmaha kooxaas gacan ku dhiigalayaasha ah. Kooxahani waxay caruurteena kusoo xero gashadaan lacag iyo daroogo, ama iyagoo adeegsada diinta kuna andacooda inay difaacayaan dadka ayna kasoo horjeedaan argagixisada. Run ahaantii, kooxahani waa beenaalayaal, waana khaayimiin, markaa waa in la kashifaa kooxahan xumaatada wada ee dhagar qabayaasha ah xaqiiqadooda dhabta ah.