Geerida Abuu Yaxya al-Liibi oo “dharbaaxo culus” ku ah al-Qaacida

Juunyo 06, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hoggaamiyihii al-Qaacida ee Abuu Yaxya al-Liibi ayaa lagu soo warramayaa in lagu diley Waqooyiga Waziristan Isniintii (4-tii June) isagoo ay heleeshay ajal la mid ah tii in dhawaaleba haleelaysay hoggaamiyeyaal kale oo muhiim ah oo al-Qaacida ka mid ah oo iyaguna la diley.

Warbixinnada hordhaca ah ee saxaafadda ayaa muujinaya in al-Liibi lagu diley duqayn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday meelaha ay Dhaalibaanta iyo al-Qaacida xoogga ku leeyihiin ee ku teedsan xuuduudda Afgaanistaan.

Waxaa la rumaysan yahay in uu ahaa ninka dhinaca talada ku xiga Ayman al-Zawahiri, waxaana al-Liibi ay kuwa taabacsan u aqoonsanaayeen in uu yahay shaqsi leh wax dadka soo jiita oo lahaa khibrado iyo sumcado aanay lahayn hoggaamiyeyaasha bilowga ah ee kale ee yaryar ee al-Qaacida. Wuxuu ka soo muuqday dhawr cajaladood oo muuqaal ah oo al-Qaacida ay baahisay, waxaana loo aaminsanaa in uu ahaa naqshadeeyaha ugu weyn ee dhinaca dicaayadaha ee ururka.

Noman Benotman oo ah hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Kooxda Dagaallanta ee Islaamiyiinta Liibiya ayaa geerida al-Liibi ku micneeyey in ay al-Qaacida ku tahay “dhirbaaxo culus.”

Benotman ayaa CNN u sheegay in "aanu jirin mid ka mid ah ururka oo barbarrayn karayey istaahilkiisa sheekh diimeednimo ama sida looga hibaysan karay dunida carabta marka uu marmarsiinyo Islaami ah u samaynayo ololaha caalamiga ah ee al-Qaacida ee argaggixisannimada ah.”

Saraakiisha sirdoonka Afgaanistaan ayaa Arbacadii soo dhaweeyey warka ku saabsan geerida al-Liibi. “Geerida Liibi waa mid aad muhiim u ah uguna wanaagsan Afgaanistaan. Wuxuu hoggaaminayey dagaalka fikriga ah,” ayuu yiri Lufullah Mashal oo ah afhayeenka Hay’adda Hoggaanka Sirdoonka Qaranka Afgaanistaan ee Amniga.

"Waxaan rajeynayaa in geeridiisu ay wax ka tari doonto in la jebiyo dagaalka fikriga ah ee ay al-Qaacida ka waddo Afgaanistaan,” ayuu ku yiri warfidiyeennada.

Sida ku qoran xaashiyo laga helay gurigiisii Abottabad geeridiisii ka dib, hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Osama bin Laden ayaa la daala dhacayay geerida isbaba-socotay ee gaareysay hoggaanka al-Qaacida, gaar ahaan tii ka socotay aagga Waziristan.

Waraaq uu u diray hoggaamiyihii hore ee labaad ee al-Qaacida, Atiyah Abdel Rahman, ayuu bin Laden hoggaamiyeyaashiisa uga codsaday in ay ka guuraan gobolka qabaa’ilka ee Pakistan oo ay u hayaamaan aagagga jiqda ah ee ka mid ah Afgaanistaan.

Qoraalladaa ayuu bin Laden ku muujiyey in aanu wax badan ka aqoon jiilka cusub ee taliyeyaasha aagagga ah, isagoo markaa taliyeyaashii soo shaqeeyey sida Abdel Rahan iyo Abu Yahya al-Libi ku aaminay in ay dululaatigaa u dhexeeya labada jiil buuxiyaan isla markaana jiilka yaryar baraan dariiqooyinka al-Qaacida.

Ka dib geeridii Abdel Rahman ayaa al-Libi lagu soo warramay in uu la wareegay maaraynta xiriirrada xulafooyinka al-Qaacida, taas oo noqotay mid kacsan tiiyoo uu weli bin Laden nool yahay.

Benotman ayaa sheegay in al-Libi uu saameyn weyn ku lahaa al-Qaacidada Afrikada Galbeed iyo al-Shabaabka jooga Soomaaliya.

"Way ixtiraami jireen, jeclaayeen, dhegaysanna jireen," ayuu Benotman ku yiri CNN.

Geerida al-Libi's ayaa dhaawici karta awoodda al-Zawahiri uu u leeyahay in ay kuwa taabacsani raacaan tilmaamihiisa, ayuu intaa ku daray.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 8)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • ahmed
    July 17, 2012 @ 06:16:10AM

    Usaama Binu Laadin waxa dilay ciidamada Maraykanka taariikhdu markay ahayd 2011-kii. Dhimashada ninkaas waxa ka dhashay saamayn dunidoo dhan laga dareemay, waxaana si gaara u dareemay saamayntaas kooxdii arggaggixisada ahayd ee uu isagu aasaasay. Saamaynta kooxdan ku timi waa mid wanaagsan iyo mid xun, halkaasoo saamaynta wanaagsani ay tahay in dilka horjoogaha kooxdu uu si wayn u daciifiyay kooxda, waayo bin laadin wuxuu masuul ka ahaa dajinta qorshayaasha weerarada iyo isku haynta kooxda, laakiin wixii dhimashadiisa ka dambeeyay, kooxdu waxay u kala jajabtay kooxo badan, hogaamiyaha cusub ee talada la wareegayna waxa gacantiisa ka baxday taladii kooxda. Dhanka xun marka aynu eegno, kooxdu waxay ka leexatay tubtii ay haysay, waxaanay noqotay koox calooshood u shaqaystayaal iyo dhiig yacab ka kooban, kuwaaso fuliya falal dhagareedyo oo ay kiraystaan kolba ciddii lacag badan haysata. Dhanka wanaaga haddaynu dib u jaleecno, waxa fududaatay in kooxda laga adkaado mar haddii uu Usaama Binu Laadin uu geeriyooday, oo aysan jiri doonin weeraro kadis ah, waayo weeraradaasi waxay u baahanyihiin hogaamiye muhiim ah oo qorshayntooda ka shaqeeya, kaasoo haatan dhintay.

  • rodgers otieno
    June 7, 2012 @ 05:22:01AM

    anigu waan ka helay

  • mlowa
    June 7, 2012 @ 04:02:10AM

    Ninka lagu magacaabo LIBI waxa macquul ah inuu dhintay, laakiin dadkii dilkiisa gaystay muxuu noqon doonaa masiirkoodu? Miyay waligood aduunkan ku noolaan doonaan? Jawaabtu waa maya! Ha dhawaado ama ha fogaado e waqti ayuunbay dhiman doonaan, waxaana kadib laga xisaabin doonaa waxay gaysteen ma cadaalad ayuu kudhisnaa mise maya. Dabcan geerida ku timaada qofku waxay in mudda ah bannaysaa doorkii uu qofkaasi lahaa, laakiin waxa muhiimka ahi waa acmaasha qofku aduunkan kala tagay.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada