Odinga oo soo wareejiyay hadiyad la siiyay sida waafaqsan qawaaniinta akhlaaqiyaadka

Juunyo 05, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ra’iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa soo wareejiyay hadiyad ay siisay dawladda Turkiga, sidaana waxa Isniintii (4-tii June) sheegay Capital FM-ta Kenya.

Odinga ayaa ku casuumay war fidiyeenka xaflad ka dhacday Nairobi, halkaa oo uu ku soo bandhigay saddix shay oo farshaxan ah, sida uu farayo Shariciga Saraakiisha Dawladda ee soo baxay 2003-dii, kaasoo sheegaya in hadiyadaha la siiyo shaqaalaha dawladda loo aqoonsanayo hadiyad la siiyay hay’adda uu ka tirsan yahay qofkaa shaqaalaha dawladeedka ah.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in tallaabadani keento in ay shaqaale kale oo ka tirsan dawladda ay sidoo kale yeelaan.

“Waxaannu mararka qaar ku aragnay dhulka baadiyaha ah, in saraakiisha dawladdu guddoomaan hadiyado ka kooban lo’ iyo riyo, dabadeedna ay iska qashaan, taasi waxa ay noqonaysaa mid kasoo horjeedda sharciga,” ayuu yiri Odinga. “Waxaannu leenahay waa in la ixtiraamaa sharcigan.”

Afhayeenka Golaha Barlamaanka Qaranka Kenneth Merende ayaa ammaanay tallaabada uu qaaday ra’iisul-wasaaraha, waxana uuna ku dhiiri-galiyay dhammaan shaqaalaha dawladda in ay u hoogaansamaan sharciga.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada