Bilayska Kenya oo su’aalo waydiinaya dad looga shakisan yahay argagixisonimo

Juunyo 05, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Unugta Ka-hortagga Argagixisada ee Bilayska Kenya, ayaa maalintii saddexaad su’aalo waydiinaya todobo nin, kadib markii la soo qabtay Sabtidii iyaga oo sawirro ka qaadaya diyaarado ku sugnaa Garoornka Diyaaradaha ee Wilson ee Nairobi ku yaal.

Bilayska ayaa wax ka waydiinaya tuhmanayaasha waxa ku kallifay in ay sawiraan diyaaradaha, sidaana waxa sheegay taliye ku-xigeenka bilayska Nairobi Moses Ombati, sida lagu qoray Africa Review.

Sharciga Kenya ayaa faraya in tuhmanayaasha maxkamad la hor geeyo muddo ku siman 24 saac marka laga soo bilaabo qabashadooda, haseyeeshee bilaysku ma ayan sheegin sababta ay tuhmanayaashu xabsiga uga jiraan muddada intaa le’eg iyada oo aan la hor gayn wax maxkamad ah.

Laba ka mida tuhmanayaasha ayaa Sooomaali ah. Bilaysku waxa uu sheegay in ay ku doodeen in ay yihiin dalxiisayaal sawirro ka qaadanayay duur-joogta halkaa ku nool, inkasta oo ay kaaramaradaha taleefannadooda laga helay muuqaallada diyaaradaha iyo garoonka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad