Saraakiisha Puntland oo heshiis la gaaray dadka daggan Xaafuun

Juunyo 01, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay xal nabadeed laga gaaray khilaaf dhacay, kaasoo ay cuqaasha iyo saraakiisha degmada Xaafuun ku eedeeyeen ciidamada ammaanka Puntland in ay si aan wanaagsanayn u maamuleen weerarkii lagu qaaday burcad-badeedda todobaadkii hore, sidaana waxa Khamiistii (31-ka May) ku waramay Rado Bar-kulan-ka ay maal-galiso QM.

Ciidamada Millatariga Puntland ee sida Bilayska u tababaran ayaa burcad-badeed ku weeraray xeebta Xaafuun, taasoo ay dadka degaanku sheegeen in lagu bar-tilmaameedsaday dad rayid ah.

Wasiirka Ammaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka degaanku ay oggolaadeen in ay is-garabsadaan ciidamada ammaanka ee dawladda.

Taa baddalkeeda, dawladda Puntland ayaa degaanka ka bilaabi doonta mashaariic horumarineed oo cusub sidoo kalena kor u qaadi doonta ammaanka Xaafuun, ayuu yiri Mudan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay in la sii daayo tiro ka mida eedaysanayaal dhawaan lagu qabtay howl-gal ammaan oo laga fuliyay Xaafuun Axaddii.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada