Mid ka mida dadkii ku dhaawacmay qaraxii Nairobi oo ku geeriyooday Isbitaalka Kenyata

Maajo 31, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Qof ka mida dadkii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay Waddada Moi ee Nairobi biloowgii todobaadkan ayaa arroortii Khamiista (31-ka May) dhaawicii ugu dhimatay isbitaalka Qaranka ee Kenyatta, sidaana waxa sheegay idaacadda Capital FM ee Kenya.

Haweenaydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa waxa ay ka gubatay korka, waana qofkii ugu horreeyay ee ka dhinta dadka dhaawacmay.

Weerarkii Isniintii ka dhacay Assanand House ayaa waxa ku dhaawacmay 38 qof. Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa laga saaray 23 qof oo ka mida 38-aa qof ee ku dhaawacmay qarixii Isniintii.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • susan
    June 1, 2012 @ 04:25:21PM

    Aniga waxay ila tahay dawlada Kenya waxa ku waajib ah inay qaado masuuliyada sababtoo ah wax tallaabooyin ah ma aysan qaadin si ay u hubiyaan in muwaadiniintu aysan khatar ugu jirin dhacdooyinkaas oo kale, waayo tani maaha markii ugu horraysay ee ay dhacdo, oo marar badan oo hore ayuu arrinkan oo kale u dhacay. Markastana waxa la beegsanayay muwaadiniinta, markaa waxa la joogaa waqtigii ay dawladu dhabarka u ridan lahayd masuuliyadeeda.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad