Bulshada Bariga Afrika oo Kenya u diraysa goob-joogayaal dusha kala socda doorashooyinka Kenya

Maajo 31, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xoghaynta Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa isu diyaarinaysa in ay u dirto koox kor-meerta doorashooyinka guud ee Kenya ka dhici doona biloowga 2013-ka, sidaana waxa Arbacadii (30-ka May) sheegay madaxa EAC.

“Waxaa na casumaya guddiga doorashooyinka Kenya iyaga oo qaatay mas’uuliyadda in kor-meerayaasha la diro xilli ka horeeya doorashooyinka si markaa ay ula socdaan xittaa diyaarinta doorashada una bixiyaan talooyinka ku habboon,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee EAC, Richard Sezibera oo ka hadlayay Shirka 7aad ee Maamul-Wanaagga Madasha Dawladaha Gobolka oo ka dhacay Caruusha, sida uu qoray wargayska Daily News ee ka soo baxa Tansaaniya.

Sezibera waxa uu sheegay in waddmada xubnaha ka ah EAC ay si hoosaysa u maamuli jireen doorashooyinkooda, taasoo ay hadda EAC ka shaqeeynayso in ay wax ka baddasho. Waxa uu sheegay in madaxda dawladaha hoose ay sameeyeen sharci ku-tumasho, sidaa darteedna ay EAC ka shaqeeynaso sidii ay u dabooli lahayd dol-dalloolooyinka sharciga si looga fogaado in doorashooyinka lagu takri falo.

Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ka mida Kenya, Ugandha, Rwanda, Tansaaniya iyo Burundi.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada