Maajo 30, 2012
Dawladda Kenya ayaa bixinaysa biilashii cisbitaalka ee dadkii ku dhaawacmay qarixii Isniintii ka dhacay Moi Avenue ee Nairobi, Raysal wasaare Raila Odinga ayaa sidaa sheegay Talaadadii (29-ka May.)
"Waxaannu dadlkii dhaawacmay u rajeynaynaa in ay degdeg u bogsadaan, iyaga iyo kuwii hantidoodii ay qaraxa ku luntayba,” ayuu yiri Odinga, sida ay sheegayso Capital FM News-ta Kenya. “Waxaan amar ku baxiyay in ay dawladdu bixin doonto qarashaadka ku baxaya dhamaan dadkii qaraxa ku dhaawacmay.”
Odinga ayaa dadka reer Kenya ugu baaqay in ay soo sheegaan wixii xog ah ama xuuraan ah oo ku saabsan qaraxa. Muwaaddiniintana ku boorriyey in ay bilayska siiyaan waqti ay ku baaraan qaraxa.
"Diiwaannada dambiilayaasha waa ay furnaan doonaan abidkood,” ayuu yiri. “Dhabtii in aan haatan dembiilayaashii la soo joojin micnaheedu maaha in aan berri la soo joojin karin. Maahan su’aal ku saabsan saacado iyo maalmo, waxaa jira go’aan lagu gaarayo gunta arrinta.”
Bilayska ayaa fiidnimadii Talaadada sheegay in ay ku raad-joogaan labo tuhmane oo lala xiriirinayo qaraxa, shaaciyeyna sawirka Emra Erdogan oo la rumaysan yahay in uu yahay muwaaddin Jarmal iyo Turki midkood ah, sida uu sheegay afhayeenka bilayska Eric Kiraithe.
"Emrah Erdogan ayaa la rumaysan yahay in uu Kenya ka soo galay dhinaca Gaarisa isagoo Soomaaliya ka yimid 3-dii May, lagana yaabaa in uu weli dalka gudihiisa ku sugan yahay,” ayuu yiri Kiraithe. “Qof kasta oo xog haya waa in uu xogtaa u gudbiyaa saldhigga bilays ee ugu dhaw.”
Kenyatta National Hospital ayaa fasaxay 23 ka mid ah 38 qof oo ku dhaawacantay qarixii Isniintii, iyadoo midna loo beddelay Nairobi Hospital.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo