Maajo 29, 2012
Afhayeenka barlamaaka Tansaaniya ayaa Isniintii (28-ka May) furtay shir saddex maalmood socon doona, kaas oo ku saabsan xisaabinta iyo xisaab-celinta, iyada oo ugu baaqday xubnaha barlamaanka in ay u hoggaansamaan akhlaaqiyaadka shaqada iyo dhowrsanaanta.
Sababta asalka ah ee saboolnimada ka jirta inta badan dalalka Afrika ka dambaysa waxa ay ka timaaddaa dhowrsanaan la’aanta iyo maqnaanta xisaab-celinta xafiisyada dawladda ayay tiri Afhayeenad Anne Makinda, sida lagu qoray wargayska Daily News ee kasoo baxa Tansaaniya.
“Xildhibaannada la doorto waa in ay noqdaan tusaale lagu daydo, si markaa kuwa doortay ay kalsooni ugu qabaan. Xildhibaannadu waa in ayan niyad-jabin dadka u soo doortay xafiisyada ay hayaan,” ayay tiri Makinda.
Sidoo kale Isniintii, afhayeenka ayaa ugu yeertay saraakisha gobollada in ay isticmaalaan jaan-gooyooyin hal-abuur ku dheehan yahay si ay uga shaqeeyaan shacabka, isla markaana wax uga qabtaan dhibaatooyinka hor taagan dadka, dadaalka ay ugu jiraan in ay hoos u dhigaan saboolnimada ka taagan guud ahaan qaranka, Wargayska The Gardian ee Tansaaniya ayaa sidaa wariyay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo