Saraakiisha Tansaaniya oo xasillooni ugu baaqay Zanzibar

Maajo 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasiirka Arrimaha Gudaha Tansaaniya Emanuel Nchimbi ayaa Isniintii (28-ka May) waxa uu hoggaamiyayaasha gudaha ee Zanzinbar ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan ilaalinta nabadda, isla markaana ay gacan ka gaystaan sidii dadka dambiilayaashaa ah loo hor keeni lahaa caddaaladda, kadib dibad-baxyo jasiiradda ka dhacay maalmihii fasaxa ee todobaadka.

Nchimibi, oo ay wada-joogeen Taliyaha Guud ee Bilayska Saidi Mwema, ayaa xarunta bilasyka ee Ziwani kula kulmay hoggaamiyeyaal diineed oo maxalli ah iyo saraakiil ka tirsan waaxda dalxiiska, kana codsaday in ay gacan ka gaystaan sidii Zanzibar u ahaan lahayd meel xasilloon oo nabad ah, sidaana waxa qoray wargayska Daily News ee ka soo baxa Tansaaniya.

Bilayska ayaa ku eedeeyay Uamsho, oo ah koox Islaami ah oo gooni-goosad ah, in ay taageerayaasheeda u soo dirtay waddooyinka Zanzibar, dabna qabadsiiyay laba kaniisadood, taasoo dhalisay in ay isku dhacaan bilayska magaalada Stone Town Sabtidii iyo Axaddii.

“Waxaannu doonaynaa in aan hoggaamiyayaasheena gacan ka siinno sidii Zanzibar looga dhigi lahaa guri nabada. In dagaal dib loogu noqdo waxa laga yaabaa in ay la macne noqoto in ay hoggaamiyayaasheennii fashilmeen. Aannu si wada-jir ah u shaqeeyno oo aan ka fogaanno in la isku khaldo Islaamka iyo dambiilenimada. Waxan rumaysanahay in Islaamku aannu oggolayn in la weeraro baararka, kaniisadaha iyo kuwa aan muslimka ahayn. Aan ugaarsanno dambiilayaasha,” ayuu Nchimbi u sheegay dadkii isugu yirmi kulanka.

Bilayska Zanzibar ayaa Axaddii ku baaqay xasillooni, kuna dhaartay in ay la soo xiri doono hoggaamiyayaasha kooxda Uamsho ee mas’uulka ka ah kicinta rabshadaha.

Hadal ay soo saartay kooxda Uamsho Axaddi, waxa ay beenisay in ay wa khalad ah sameeysay, waxayna kooxdu ugu yeertay muslimiinta iyo dadka deggan Zanzibar in ay ilaaliyaan nabadda.

Soddon qof ayaa lsniintii la hor-keenay maxkamadda degmada Mwanakwerekwe, kuwaa oo lala xiriiriyay in ay ku lug lahaayeen rabshadaha. Eedaysanayaasha ayaa beeniyay dambiyadaa waxaana lagu sii daayay dammaanad.

“Qof waliba waxa uu kaalin wayn ku leeyahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Nchimibi. “Nabad ayaannu u rabnaa nafteena iyo dadka na soo booqdaba, oo ay ku jiraan dalxiisayaasha gacanta ka gaysta dhaqaalaha dalka.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada