Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya iyo AMISOM oo ku celiyay sida ay uga go’antahay in ay xididdada u siibaan al-Shabaab

Maajo 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Isniintii (28-ka May) sheegay in al-Shabaab lagu jabiyay dagaalka ka socda koonfurta Soomaaliya, isaga oo ku celiyay sida ay xukuumaddu uga go’antahay in ay tir-tirto kooxda xag-jirka ah.

Isaga oo la hadlayay Radio Muqdishaha ay dawladdu maamusho, ayuu Cali Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uga hambalyeeyay ugana mahad-celiyay guusha ay ka gaareen howlgallada ay ka fuliyeen gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul-wasaaruhu waxa uu sheegay in ay xukuumaddu ka shaqaynayso sidii ay u sugi lahayd ammaanka goobaha dhawaan la xoreeyay, isla markaana ayan istaagi doonin inta ay dalka dhammaantii nabad ka islaaxiso. Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay sii wadaan gacanta ay siinayaan ciidanka ammaanka iyo sidii dalka horay loogu wadi lahaa. Cali waxa uu sheegay in uu ku farxay dhulalkii dhawaan laga xoreeyay al-Shabaab.

Sidoo kale Isniintii, Taliye ku-xigeenka Ciidamda AMISOM Auduence Dmuawnce oo shir-jaraa’id ku qabtay Afgooye ayaa yiri “Waxaa naga go’an in aan sii wadno dagaalka aan kula jirno al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya illaa iyo inta aan ka dhaqan-galinayno nidaamka iyo kala-dambaynta.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada