Maajo 29, 2012
Bilayska Kenya ayaa sheegay Talaadadii (29-ka May) in ay raadiyaan nin looga shakiyay in uu aasay walxaha qarxa kaasoo burburiyay dukaamo ku yaalla bartamaha Nairobi Isniintii, isagoo dhaawacay 38 qof.
“Waxannu wadnaa baaritaankii, laakiin illaa iyo hadda wali waxba ma aynaan qaban,” sidaana waxa AFP u sheegay Taliye ku-xigeeka bilayska Nairobi Moses Nyakwama.
“Waxannu ku raad-joognaa qof galay dukaan dabadeedna dhigay boorso, waanna halkaa meesha bamku ka qarxay,” ayuu yiri. “Waxaannu haynaa tilmaantii qofkaa; saraakiishu waxa ay isku duwayaan macluumaadkii ay heleen taasoo ka gacan ka siin doonta in ay soo helaan isag iyo kuwii la shaqeeyay.”
Ra’iisul-wasaare Raila Odinga ayaa Isniintii qaraxa ku tilmaamay weerar “argagixiso” isaga oo ugu baaqay dadka reer Kenya midnimo. “Meelihii kale oo dhan ayay ku soo fashilmeen, waanunna hubnaa in ay ku fashilmi doonaan dalkeenna,” ayuu yiri Odinga sida ay sheegtay idaacadda Capital FM-ta Kenya.
“Nolasha iyo hantida dadka Kenya waa qaali….waxana waajib ah in la ilaaliyo. Waannu cambaaraynaynaa argagixisannimada, waxannuna u sheegaynaa in uu waqtigoodii soo dhammaaday. Dadka Kenya waa ay guulaysan doonaan; Argagixisaduna ma guulaysan doonto,” ayuu Odinga hadalkiisa ku daray.
Waxa uu ciidamada ammaanka Kenya ugu baaqay “in ay dadaal dheeri ah la yimaadaan si ay ula dagaallamaan argagixisada.”
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo