Madaxweynaha Soomaaliya oo dil ka badbaaday

Maajo 29, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Talaadadii (29-kii May) ka badbaaday weerar gaadmo ah oo lagu qaaday kadib markii ay dagaalyahaniinta al-Shabaab weerareen kolonyadiisii hubaysnayd isaga oo maraya waddada Afgooye ee dhawaanta la xoreeyay, sidaana waxa wariyay AFP.

“Malleeyshiyaadka naf-lacaariga, argagaxisada ah ee al-Shabaab ayaa isku dayay in ay carqaladeeyaan booqashada uu madaxweynuhu ku marayay waddada Afgooye kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen oo ay waddada u galeen kolonyadii galbineeysay madaxweynaha, haseyeeshee ciidamada ammaanka ayaa gaashanka u daruuray,” sidaana waxa yiri Maxamed Macallin oo ah sarkaal Soomaaliyeed oo ka tirsan ciidamada ammaanka. “Madaxeynuhu waa bad qabaa, waxaana uu sii watay safarkiisa.”

Laba askari oo Soomaali ah ayaa dhaawacantay kadib markii ay rag hubaysan rasaas ku fureen kolanyadii Axmed galbinaysay waddada Afgooye markii ugu horeeysay tan iyo intii ay ciidamada Midowa Afrika iyo kuwa Soomaaliya ay qabteen Jimcihii. Ciidamadaa isbahaysiga ah ayaa sidoo kale waardiyeeynayay Axmed.

Website-ka taageera al-Shabaab ee Somalimemo.net ayaa sheegay in ay dagaalyahannad al-Shabaab ay weerar ku qaadeen “hoggaamiyaha cadawga.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 5)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • gela
    September 20, 2012 @ 12:30:45AM

    Maxaa keenay in kenya madaxwayneheeda iyo xildhibaanadeedaba ay dadka reer kenya soo doortaan, halka ay dambiilayaal isa soo xulufaystay ay soomaaliya madaxdeeda dadka soomaaliyeed dusha kaga keenaan?

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad