Bilayska Zanzibar ayaa ku baaqaya deganaansho kadib dibad-bax lagu dalbanayay madax-bannaani

Maajo 27, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska jasiiradda Tansaaniya ee Zanzibar ayaa Sabtidii (27-ka May) ku baaqay degenaashiyo kadib markii ay dhowr qof ku dhaawacmeen isku dhac colaad wata oo dhex maray dibad-baxayaal ku baaqaya madax-bannaani ay hesho jasiiraddu iyo bilayska.

“Waxaannu isku dayaynaa in aan ilaalinno nabadda oo aan soo celinno deganaashihii,” ayuu yiri taliyaha bilayska Zanzibar Mussa Cali Mussa, oo intaa raaciyay in dibad-baxa ay sameeyeen koox Islaamiyiin ah oo layiraahdo Uamsho uu Sabtidii isku baddalay gacan-ka-hadal.

Dibad-baxayaasha ayaa tuurayay dhagxaan iyada oo bilayskuna ku jawaabay gaaska dadka kaga ilmaysiiya iyo tuubbooyin tuuraya biyo awood ku socda, magaalada Stone Town, ee caasimadda ah u ah Jasiiradda leh ismaamul-hoosaadka ee Tansaaniya. Tiro yar oo dibad-baxayaal ah ayaa wali ku sugnaa waddooyinka Axaddii sida ay warisay AFP.

Uamsho, oo sheegta in ay ilaalinayaan dhaqanka muslimiinta tirada badan ee jasiiradda, ayaa in dhawaalaba waday dibad-baxyo ay ku doonayaan in lagu soo af-jaro midowga ay jasiiraddu la leedahay dalka Tansaaniya intiisa kale.

Taageerayaasha Uamsho ayaa la dagaallamay bilayska Sabtidii markii ay socod ku soo mareen saldhig bilays kadib markii la xiray mid ka mida hoggaamiyayaashooda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada