Maajo 27, 2012
Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa AMISOM ayaa ku tilmaamay qabsashadii Afgooye guul millatari oo suura-galin doonta in la sii dardar-galiyo ol-ollaha ka dhanka ah al-Shabaab.
Paul Lokech, oo ah taliyaha ciidamda Ugandha ee AMISOM, ayaa Sabtidii (26-kii May) saxaafadda u sheegay in qabashada Afgooye oo talis iyo xarun maalmul oo istraatiiji ah u ahayd kooxda xulafada la ah al-Qaacida, ay ciidamada xulafada u oggolaan doonto in ay weerarkooda ku sii ballaariyaan magaalooyinka Marka, Jowhar iyo goobo kale oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
“Sidaa darteed farriinta aan u dirayo dagaalyahanada Soomaalida ah ee wali la safan al-Shabaab waxa weeye in ay isaga soo baxaan oo ay fursaddan uga faa’idaystaan in ay ku soo biiraan walaalahood, tani waa fursadda kaliya ee idiin hartay, si aad u dhistaan dalkiina,” sidaana waxa Lockech ka soo xigatay Shabakadda Wararka Shabeelle.
Ka bixidda ay al-Shabaab ka baxday Afgooye iyagoo aan wax iska caabin ah samayn waxa ay daba-socotaa dib-u-gurashooyin taa la mida, sida ka bixitaankoodii Muqdisho bishii August, iyo banneeyntii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya u banneeyeen magaalada muhiimka ah ee Baydhabo bishii February.
Af-hayeen u hadlay al-Shabaab ayaa Sabtidii wacad ku maray in ay sii xoojin doonaan dagaalka ay kala hor jeedaan dawladda iyo ciidamada Midowga Afrika, isaga oo lumintoodii Afgooyena ku tilmaamay “dib-u-gurasho xeeladeed”.
“Ciidamada mujaahidiintu dib-u-gurasho xeelad dagaal ayay sameeyeen, laakiin taasi macneheedu ma ahan in aanu jabnay,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abu Musab, sida ay sheegtay AFP.
Lokech waxa uu sheegay in furitaanka la furay waddada Afgooye ay oggolaan doonto in gargaarka bini’aadannimo la gaarsiiyo Soomaalida ku nool aaggaas. In ka badan 400,000 ayaa ku noolaa degmada Afgooye biloowgii sannadkan – oo ah meesha ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka barakacay – sida ay qabto Qaramada Midoobay.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa Axaddii sheegay in dagaalka lagu hayo al-Shabaab ee ka socda Somalia uu sii socon doono kadib nadiifintii Afgooye.
“Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waa magaalo istraateeji ah,” Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ayaa wasiirka hadalkaa ka soo xigatay. “Howl-gallada millatari ee ka socda gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose, Bay, Bakool iyo gobollada Jubooyinka dhammaantood waa kuwo isku xiran dhaqsana waa laga mira-dhalin doonaa,” ayuu yiri.
Waxa uu ammaanay dadaalka wadaagga ah ee ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda FKMG, waxa uuna ku dhaartay in gulufka lagu hayo kooxda ku xiran al-Qaacida ee Al-Shabaab uu kaliya sii laba-lixaadsan doono.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Alshabaab waa koox khatar ah, waana kuwo rabshad waleyaal ah. Tolow malaga taqalusi karaa dhamaan. Waxa loo baahanyahay in ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada federaalka ku meel gaadhka ahi ay la yimaadaan xeelado dagaal oo heer sareeya. Si kasta ha ahaatee, anigu waan ku faraxsanahay isbadalada dhawaan dhacay ee kusaabsan magaalooyinka muhiimka ah ee laga qabsaday.
Kooxda alshabaab waa inay ogaataa in ilaahay uusan ku dhawri doonin khalqigiisa ay dhibaatada ku hayaan, waxaanan u shseegayaa inay ka shalayn doonaan dambiyada ay galeen. Ilaahayna isagaa cidkasta abuuray oo cidkasta isagaa u ilaah ah, ha ahaato cidaasi dadka mushrikiinta ah, ama kuwa krisitanka ah, ama kuwa buudhiis ka ah, ama kuwa islaamka ah.
Waxay ila tahay habka ugu wacan ee ay tahay in loo fuliyo hawlgalka loogu magac daray linda Inch waa iyadoo la balaadhiyo hawlgalada laga wado Kenya dhexdeeda, oo la bilaabo in guri-guri loo baadho magaalooyinka, si kooxda alshabaab dalka looga sifeeyo. Julius.
Dhamaan alshabaab waa in laga tirtiraa dunidan.
Kooxda alshabaab waxaan leeyahay waa inaad ogaataan in dagaalku yahay wax aan haatan wakhtigan macna lahayn. Waxaan idiin sheegayaa in la heli karo in jawi nabad ah ay u wada fadhiistaan oo ay u wada hadlaan dhinacyada dagaalamayaa. Waxaan idin leeyahay xasuusnaada in dhiiga aad daadinaysaan ay idinku amreen tiro yar oo hogaamiyayaashiina ah, kuwaaso sabab u ah dilka dad aan waxba galabsan, arrinkaasina waa arrin xun. Afrika maantaa maaha qaaradii lagu amaani jiray nabada iyo daganaanshaha. Soomaaliya waxaan leeyahay ilaa goorma ayay soconayasaa in dadku maalin kasta baroortaa?
Inagu hadda waxa aan ku jirnaa dagaal, dagaalkaas cidii ku guulaysataana waxay gaadhi doontaa guul balaadhan. Markaa waa in inamadeenu ay dagaalkan ku guulaystaan oo ay ka faraxashaan, xilli hore in la dhameeyo ayaana wanaagsan.
Cabdicasiis dib u gurasho xeelad dagaal ah muxuu uga jeedaa markastoo la eryado? Ninkani mahayo wax fikarad ah ama si kale oo uu yeelo, sababtoo ah kooxda alshabaab waxaas ayuunbay sheegayeen ilaa iyo markii laga tuuray kooxda alshabaab. Markii ay ciidamada Kenya iyaga ku jabiyeen jubooyinkana sidan oo kale ayuumbay u hadlayeen. Laakiin dadka soomaaliyeed ee caadiga ahi hada way ogsoonyihiin in dagaalkii laga helay kooxda alshabaab iyadoo taas ay ugu wacantahay xirfad la’aanta iyo xeelad la’aanta kooxda alshabaab. Cidkasta oo ay la dagaalamaanba, marka laga reebo itoobiyaanka. Laakiin xitaa dagaalada ay kooxdu la gashay itoobiyaanka waxay adeegsanayeen kicinta dareenka diineed iyo ismaqiiqis aan loo meel dayin. Markaa kooxdan waa in la quwad jabiyaa. David.
Waxaan u malaynayaa in kooxda alshabaab in ay joojinayso dagaalka, waxay soomaaliya ka dhigiyaan inay saboolnimo kusii jirto.