Red_arrow

Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |

Duqa magaalada Muqdisho oo furay tababbar ku saabsan ka soo-kabashada uur-ku-taallooyinka dagaallada

Maajo 25, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur ayaa Khamiistii (24-kii May) waxa uu furay barnaamij ku saabsan ka soo-kabashada uur-ku-taallooyinka laga dhaxlo cawaaqibka dagaallada iyo dib-u-heshiisiinta bulshada si loo taageero dib-u-heshiisiinta iyo midowga bulshada, sidaana waxa wariyay Radiyaha RBC ee Soomaaliya.

Wajiga koowaad ee barnaamijka ayaa ka koobnaan doona tababaridda 32 qof oo lagu tababarayo gudbinta tababarrada la xiriira ka soo-kabasahda uur-ku-taallada colaadaha, kuwaa oo markoodana tababari doona 800 oo qof oo ku nool gobolka Banaadir.

Duqa ayaa carrabka ku adkeeyay ahamiyadda ay leedahay ka shaqeeynta arrimaha khuseeya ka soo-kabashada colaadaha iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, taas oo uu sheegay in ay caawin doonto kor u qaadidda nabadda iyo xasilloonida Muqdisho.

Tababbarkan ayaa qayb ka ah barnaamijka Qorshayaasha Kala-guuka ee Xasilinta kaaso oo ay maal-galiso Hay’adda Maraykanka u Qaabilsan Horumarinta Caalamka ee USAID.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada