Wariye Soomaali ah oo Muqdisho lagu dilay

Maajo 25, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Rag hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa Khamiistii (24-kii May) dilay Axmed Caddow Caashuur oo ahaa wariye, iyo war-xiriiriye ka tirsan Shabakadda Wararka Shabeelle, xilli uu ku sugnaa meel u dhow gurigiisa.

Midowga Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa si wayn u cambaareeyay dilka Caashuur, oo ah wariyihii lixaad ee sannadkan gudihiisa la dilo iyo kii saddexaad ee laga dilo Shabeelle.

“Weerarrada soo badanaya ee lagu hayo dadka ka shaqeeya warbaahinta ee ka socda Soomaaliya waxa ay nagu hayaan walwal aad u wayn…Ma ay jiraan sababo siyaasadeed ama diineed oo lagu banneeysan karo dilka saxafiyiinta,” ayuu yiri Burhaan Axmed Daahir oo ah madaxweynaha NUSOJ, isaga oo dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ugu yeeray in ay qaaddo tallaabo dagdag ah oo ay ku baarayso dambiga kuwii ka dambeeyayna ay ku horkeento caddaaladda.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dilka wariyaha.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Boubacar Gaoussou Diara, ayaa cambaareeyay weerarka.

“Looma dul-qaadan karo tallaabooyinka caynkan oo kale ah ee ay ku dheehan yihiin dabmiilenimada iyo axmaqnimadu,” ayuu Diarra ku yiri war-murtiyeed uu soo saaray.

Hay’adda ilaalisa xorriyad-qowlka saxaafadda ee Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn ayaa ku tilmaantay Soomaaliya waddanka ugu badan Afrika ee lagu dilo saxafiyiinta.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada