Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo al-Shabaab ka qabsaday Afgooye

Maajo 25, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ayaa Jimcihii (25-ka May) waxa ay qabsadeen magaalada ay al-Shabaabku ku xoog-badnaayeen ee Afgooye, sidaana waxa wariyay AFP.

“Waxannu ka talloownay Wabiga Shabeelle, haatanna waxannu ku suganahay Afgooye, waxannu qabannay magaalada,” ayuu afhayeenka AMIOSOM Paddy Ankunda ku yiri AFP. “Waxa jira xogaa is rasaasayn ah oo ka socda meelo magaalada ka mida, laakiin inta badan way daggantahay.”

Dagaalyahannada kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab ayaa sida lagu soo warramayo Khamiistii ka cararay magaalada ay xoogga ku lahaayeen, ka hor intii ayan magaalada u soo ruuqaansan cutubyo ka tirsan ciidamada dawladda iyo kuwa Midowga Afrika.

“Dhowr kiiloomitir ayaannu u jirnaa Afgooye, haddii alle idmana, howlgalka goor dhow ayaannu soo dhamaystiri doonnaa,” ayuu AFP ku yiri Jeneraal Cabdullaahi Cismaan oo ah taliye ka tirsan millatariga Soomaaliya.

“Ma aynaan arag wax iska-caabbin ah ilaa iyo hadda cadowguna waa uu sii cararayaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay iska difaacday weerarka waxayna ku andacootay in ay dishay dhowr askari.

In kabadan 400,000 oo qof, oo qiyaasta u dhigma saddex dalool meel dadka ku barakacay Soomaaliya, ayaa ku noolaa waddada Afgooye sanadka biloowgiisii, kuwaa oo ka soo cararay dagaal ama abaar, sida ay qabto QM, oo iyadu digniin ku soo jeedisay in la nabad-galiyo dadka rayidka ah.

Mark Bowden, oo QM u qaabilsan Xiriirinta howlaha gargaarka Soomaaliya, ayaa ku dhinacyada oo dhan ugu baaqay in ay “yareeyaan saamaynta uu dagaalku ku yeelan karo dadka rayidka ah” iyo in la oggolaado gargaarka bini’aadannimo in uu gaaro dadka u baahan.

Si kastaba ha ahaatee, taliyayaasha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku socdeen lugta kana fogaanayeen waddada Afgooye si ay ugu oggolaadaan rayidka in ay ka baxaan aaggaga dagaalka.

“Ciidanka ayaa ku socda si uu taxaddar ku jiro, umana qasdiyayaan in ay si toos ah u abbaaraan waddada laamiga ah si ay ugu oggolaadaan in dadka rayidka ahi isaga soo baxaan goobta inta uu socdo dagaalku,” ayuu yiri Cismaan Khamiistii.

Afgooye ayaa magaalo istaraatiiji ah oo isku xirta waddooyin kala aada waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Soomaaliya. In ay magaaladaasi ka fara-baxdo al-Shabaab ayaa waxa ay khasaare wayn uga dhigantahay kooxda oo muddo bila ahba ku jirtay dib-u-gurasho.

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaalya ayaa bilihii la soo dhaafay dagaalyahaninta al-Shabaab ka gaaray guulo waawayn, kuwaa oo markii dambe dagaalkooda Muqdisho u baddalay qaab dhuumaalaysi ah, oo ay ku jiraan weerarro is-xig-xiga oo ay fuliyeen ismiidaamiyayaal iyo kuwo loo istcimaalay bambaanooyinka gacanta.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 14)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Maurice
    May 27, 2012 @ 02:19:03AM

    Waxaa kuu wacan in aad tafaasiil dheeri ah oo adiga kuu gaar ah aad hesho, waana in tafaasiishaasi ahaato hab falanqayneed.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada