Saraakiil ka tirsan Kalluumaysiga Somaliland oo ku baaqay in dib loo soo nooleeyo waaxda

Maajo 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Maxamed Cilmi Aadan ayaa ku dhiiri-galiyay kalluumaysatada in ay ka faa’idaystaan biyaha baaxadda leh ee gobolka oo ay dib u dhisaan waaxdii kalluumaysiga.

Aadan waxa uu la hadlayay kalluumaysatoo ku sugan Kulliyadda Badda Barbara kuwaa oo isugu yimid in ay qaataan qalab kalluumaysi oo ay ku deeqday dawladda Italy soona marsiisay Barnaamijka QM ee Horumarinta UNDP. Waxa uu u sheegay kalluumaysatada in qorshaha wasaaraddu yahay sidii loo horumarin lahaa tayada nololeed ee dhammaan bulshooyinka ku nool xeebaha, sida uu Arbacadii (23-ka May) qoray Somaliland Press.

Aadan waxa uu rajo ka muujiyay in Somaliland noqon doonto dhoofiye wayn oo kalluunka ah, hase yeeshee waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la helo farasamooyin iyo tiknoolajiyad ka dhigi karta Soomaliland mid ka tartami karta suuqyada caalamiga ah. Waxa uu sheegay in wasaaraddu qorsheeynayso in ay fuliso barnaamijo waxbarasho iyo kuwa cilmi-baariseeds si loo horumariyo awoodda wax-soosaar ee muwaadiniinta.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada