Maajo 24, 2012
Tansaaniya ayaa Arbacadii (23-ka May) Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) la saxiixatay heshiis ammaah ah kaasoo lagu maal-galin doono dhismaha waddoyinka, sidaana waxa qoray wargayska Daily News ee ka soo baxa Tansaaniya.
355 ka bilyan oo shilin ($222-milyan) ee daynta ah waxaa Daaru Salaam ku sixiixay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda Ramadhani Kijjah iyo Ergayga Joogtada ah ee AfDB Tonia Kandiero. Jidadka cusub ayaa la rajeynayaa in ay dhimi doonaan qiimaha dayactiridda waddooyinka isla markaana ay yarayn doonaan waqtiga safarradu.
“Ammaahda ayaa gacan ka gaysan doonta horumarinta dhaqan-dhaqaale, yareeynta saboolnimada iyo is-dhex-galka gobollada dalka taa oo loo marayo wanaajinta nidaamka gaadiidka isku xira xarumaha ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale,” ayuu yiri Khijjah.
Mashruuca ayaa guud ahaan ku kici doona 539 bilyan oo shilin ($339 milyan). Dawladda Tansaaniya iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Japan ayaa bixin doona inta hartay lacagta lagu casriyeeynayo kaabayaasha.
Dawladda ayaa indhawaalaba dib-u-habeyn ku sameynaysay waddooyinkeeda si ay u gaarto yoolkeeda ah Himilada 2025-ta.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo