Kenya oo rakibaysa kaamaradaha la socda dhaq-dhaqaaqa

Maajo 24, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ra’iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa Arbacadii (23-ka May) barlamaanka u sheegay in Kenya ay dhawaan bilaabi doonto in Nairobi lagu xiro kamaaradaha talafishinnada ee la socda dhaq-dhaqaaqa ee loo yaqaan (CCTV) si ay bilayska gacan uga siiyaan kor u qaadidda ammaanka.

“Rakibidda CCTV-yada ayaa bilayska gacan ka siin doonta shaqadooda la socoshada iyo ilaalinta ammaanka sababtoo ah waxa aynu awood u yeelan doonnaa in aan ogaanno dambiilayaasha marka ay isku dayayaan in ay fuliyaan dambiga ama in aan si dagdag ah u soo qabanno marka ay galaan dambiga,” ayuu yiri Odinga, sida ay ku warantay Capital FM News.

Barnaamijka CCTV ayaa marka ugu horeeysa waxa lagu fidin doonaa Mombasa, Kisumu, Eldoret, Nakuru iyo Meru ayuu yiri. Dawladda Shiinaha ayaa bixisay 8.5 bilyan oo shilin ($100 milyan) si loogu fuliyo mashruuca, iyada oo Kenyana sidoo kale qorsheeysay 1.7 bilyan shilin ($20 milyan) oo dheeraad ah oo lagu fulinayo mashruuca.

Kaaliyaha Wasiirka Maamulka Gobollada iyo Ammaanka Gudaha Joshua Orwa Ojode ayaa xilli sii horeeyay oo bishan ah barlamaanka u sheegay in dawladdu rakibi doonto kamarooyinka la socda dhaq-dhaqaaqyada si loo wanaajiyo ammaanka dalka kadib laba weerar oo dhawaan la qaaday kuwaa oo kallifay dhimashada laba qof iyo dhaawaca toddoba qof.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 5)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Kate
    November 29, 2012 @ 05:51:15AM

    Kalkaaliyaha wasiirka maamulka gobolada iyo amaanka guduhu maaha Joshua Orwa Ojode

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada