Kibaki oo ka hadlay guulo millatari dadkana ku booriyay feejignaan

Maajo 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa Arbacadii (23-ka May) muwaadiniinta ugu baaqay in ay ciidamada ammaanka gacan ku siiyaan in ay xogta soo gaarsiiyaan isla markaana ay ka digtoonaadaan wixii khatar ah.

“Haddaynu sidaa yeello, waxaannu si guuli ku jirto u xakameeyn doonnaa wax alla iyo wixii khatar ammaan ah,” ayuu Kibaki ka yiri Kulliyadda Millatiriga Kenya xilli ay socotay xaflad waajib lagu siinayay saraakiil tababar dhamaysatay, sidaana waxa sheegay Capital FM News-ta Kenya.

Kibaki waxa kale oo uu sheegay in Kenya kor u qaadi doonto ilaalada xudduuda iyo jaan-gooyada ammaanka gudaha. Waxa uu iftiimiyay khatarta ay al-Shabaab dul-dhigtay Kenya iyo doowrka ay Ciidamada Difaaca Kenya ka qaateen in ay u babac-dhigaan kooxda dagaalyahaniinta ah.

“Waxaan ugu hambalyaynayaa sidii guusha lahayd ee ay ciidamadeenna difaacu u fulieen howl-galkii Linda Nchi. Dhab ahaantii, dadka reer Kenya waxa ay ku faanayaan dadaalkii wadajirka ahaa ee ay sameeyeen Ciidamda Difaaca Kenya, ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Dadaalladaasi waxa ka dhashay in nabaddii iyo xasilloonidii dib loogu soo celiyo qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Kibaki.

Howl-galka Linda Nchi ayaa waxa loo qaaday in al-Shabaab looga tirtiro koonfurta Soomaaliya, kaasoo biloowday bishii October, 2011-kii, ka hor intii aan ciidamada Kenya lagu darin kuwa AMISOM.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada