Shirkii Soomaalia ee Qorshaha Nabadda oo ku soo xirmay Addis Ababa

Maajo 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Saxiixayaasha Qorshaha Nabadda ee lagu dhameeynayo xaaladda ku-meel-gaarnimo ee Soomaaliya ayaa Arbacadii (23-ka May) shir saddex maalmood socday ku soo gabagabeeyay Addis Ababa, kaasoo intii uu socday ay isku raaceen qodobbo dhowr ah oo la doonayo in la fuliyo ka hor xillliga kama dambaysta ah ee 20-ka August.

Ergada ayaa isku raacday calaamadinta ballamo is daba yaal si loo dhiso hay’ado macni ah oo dib-u-eegid iyo ansixin ku sameeya dastuurka.

Kulana ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali, Afhayeenka Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug iyo sidoo kale ergooyin ka socda QM, Midowga Afrika, Jamaacadda Carabta, IGAD iyo kooxda Ahul Sunna wal Jamaaca ee xulafada la ah dawladda Soomaaliya.

Sida ku cad war-murtiyeedka kama dambaysa ah ee shirka, ayay saxiixayaashu waxa ay ku taliyeen in madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu sharciyeeyo si uu u jiheeyo habsami u socodka arrimaha dastuurka, in sida ugu dhakhsaha badan ay u fariistaan Golaha Wakiillada Qaranka, iyo in la dhiso guddi dhex-dhexaadin ah oo xalliya khilaafaadyada ka soo bixi kara odayaasha dhaqanka.

Waxa ay sidoo kale isku raaceen in Muqdisho laga furo xafiis qaabilsan arrimaha xiriirinta si uu dusha uga eego una hubiyo in xiriir iyo wada-shaqayn wax-tar ah ka dhex-jirto dhammaan dhinacyada ku shaqada leh xaaladda kala-guurka ah. Xafaladdii xiritaanka shirka, ayuu madaxweyne Axmed waxa uu ballan-qaaday in uu ka shaqayn doono sidii loo fulin lahaa dhammaan qodobbada lagu heshiiyay si loo fududeeyo dhamaystirka marxaladda kala-guurka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada