Bilayska Soomaaliya oo soo bandhigay maydka dagaalyahan la tuhunsanyahay in uu ka tirsanaa al-Shabaab

Maajo 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Soomaaliya ayaa soo bandhigay mayska nin looga shakiyay in uu ka tirsan yahay al-Shabaab oo la toogtay xilli uu watay bambo-gacmeed ay bilaysku rumaysan yihiiin in uu la damacsanaa suuqa Bakaaraha, sidaana waxa Arbacadii (23-ka May) wariyay Shabakadda wararka Shabeelle.

“Waxa uu ka mida ahaa dhallinyarada ay maskaxda ka qabsadeen al-Shabaab, waxana xalay suuqa Bakaaraha ku dilay ciidamadeena kadib markii ay xog ka heleen dadka degaanka,” ayuu yiri afhayeenka bilayska Soomaaliya Cabdullaahi Xasan Bariise. “Waxan ugu baaqaynaa wiilasha al-Shabaab la safan in ay ka toowbad-keenaan dambiga ay ka galayaan dalka.”

Ciidamada bilayska Soomaaliya ayaa waday howl-gal ay ku burburinayaan dhismayaasha sharci-darrada ah ee ka dhisan hareeraraha waddooyinka suuqa Bakaaraha. Todobaadkii horena, dad aan la garanayn oo weerar soo qaaday ayaa bam-gacmeed ku tuuray askar duminaya dhismayaal sharci-darro ah oo ku yaal suuqa, halkaana ku dilay laba ka mid ah askarta.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada