QM oo walaac ka muujisay barakac ku yimaada rayidka ku nool Afgooye

Maajo 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Sarkaal sare oo arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan QM ayaa Arbacadii (23-ka May) ku baaqay in dadka rayidka ah loo fududeeyo in uu gaaro gargaarka bini’aadannimo iyada oo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku soo dhawaanayaan Afgooye.

“Waxan walaac ka qabaa in colaadaha sii laba-lixaadsanaya iyo howl-gallada militari oo dheeraada ay keenaan barakac, taasoo culayska kusii badin doonta mugga xeryaha iyo dadka reer Muqdisho ee marti-galiya barakacayaashaas, amaba daka ka fogeeyn doonta gargaarka naftooda lagu bad-baaadinayo ee ay aadka ugu baahan yihiin,” sidaana waxa war-murtiyeed ku sheegay Mark Bowden, Xiriiriyaha Barnaamijyada Gargaarka ee Hay’adaha QM ee Soomaaliya.

Bowden waxa uu sheegay in hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada ay baaqi ku ahaan doonaan “in ay si buuxa dhex-dhexaad uga ahaadaan ugana madax-bannaanaadaan arrimaha siyaasadeed iyo millatari…si ay u hubiyaan in gargaar degdeg ah loo diyaariyo dadka rayidka ah ee ay saamaynta ugu badan ka soo gaartay dhaq-dhaqaaqyada millatari ee ka socda waddada”.

Xafiiska QM ee Xiriirinta Arrimaha Bini’aadannimiada ayaa sheegay in gulufka millatari ee ka socda waddada Afgooye uu barakac siyaado ah ku keeni doono dadka soo barkacay ee ku nool Muqdisho. Xilligan, QM ayaa waxa ay qiyaastaa in 184,000 oo barakace ay ku nool yihiin caasimadda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada