Maajo 22, 2012
Wasiirka Khayraadka Dabiiciga ah iyo Dalxiiska Tansaaniya Khamis Kagasheki ayaa Isniintii (21-ka May) ku dhawaaqay isbaddal lagu sameeyanayo Waaxda Duur-joogta, taasoo ka dhigan dadaal lagu wanaajinayo wax-qabadka waaxda.
“Waxaannu ogaannay in qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha waaxda ayan wax dan ah ka lahayn in ay u shaqeeyaan qaranka,” ayuu Kagasheki ka sheegay munaasabaddii lagu daah-furayay maamulka Adeegga Kaymaha Tansaaniya ee ka dhacday Darusalaam, sida uu qoray wargayska The Citizen ee kasoo baxa Tansaaniya.
Kagasheki waxa uu sheegay in Waaxda Duur-joogtu ay sameeyn jirtay dakhli, laakiin lacagtaasi laga weecin jiray in loo isticmaalo danaha guud ee shacabka. Xukuumaddu waxa ay joojisay in ay soo saarto ruqsadaha lagu daabbulo xayawaanka nool illaa iyo inta laga sameeynayo baaritaan buuxa.
Kagasheki, oo isagu qabtay xilkan ka dib isku-shaandhayn lagu sameeyay golaha xukuumadda biloowgii bishan, ayaa sidoo kale sheegay in ay nuqsaani ka jirtay saraakiisha aqoonta leh ee ka howl-gasha 33.5-ka milyan oo hiktar ee ay kaymaha Tansaaniya sida uu qoray wargayska The Guardian. Wasaaradda ayaa leh shaqaale gaaraya ku dhawaad 1,760 sarkaal, halka baahidu tahay qiyaasta 2,600 ayuu yiri Kagasheki.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo