Tansaaniya oo furaysa kulliyad sare oo millatarigu leeyahay

Maajo 22, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweyne ku-xigeenka Tansaaniya Maxamed Gharib Bilaal ayaa Isniintii (21-kii May) daah-furay kulliyad ciidan oo cusub taasoo tababari doonta shaqaalaha sare ee millatariga, sidaana waxa qoray Daily Newska Tansaaniya.

Kulliyadda Difaaca Qaranka - The National Defence College (NDC) – ayaa diyaarin doonta hoggaamiyayaasha xilalka sare ee millatariga, taasoo ka dhignaan doonta isbaddal xoogga lagu saarayo ammaanka bini’aadamka iyo wacnaanta xaaladda dhaqaale ee shakhsiyaadka ciidanka, halkii xoogga laga saari lahaa aqoonta difaaca millatari oo kaliya, ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka.

“Inkasta oo aan la kala saari karin ammaanka iyo horumarka, haddana maanta dadku waxa ay daneeyntoodu u badan tahay baahidooda maalinlaha ah iyo tayada noloshooda halkii ay ku mashquuli lahaayeen qaddiyadaha isku murugsan ee difaaca iyo ammaanka. Waana halkaa meesha ay kulliyaddan ahamyideeddu ka imanayso,” ayuu yiri Bilal.

Kulliyaddu waxa ay si rasmi ah tacliinta u bilaabi doontaa bisha September iyada oo lagu bilaabi doono “10 arday oo ka socda adeegyada millatariga iyo 10 kale oo ka socda hay’adaha kale ee dawladda”, ayuu yiri wargayska u sheegay Taliye kulliyadda NDC Sareeye Gaas Charles Makalala.

Waxa socda qorshe lagu ballaariyo kulliyadda si ay u qaadato arday dheeraad ah. Kulliyaddu waxa ay sidoo kale wada-shaqayn la yeelan doontaa Jaamacadda Darusalaam si ay u bixiso darajada maserka (heerka 2-aad ee tacliinta sare) ee daraasaadka istraatiijiyadda iyo nabadda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Lugendo H.R
    September 13, 2012 @ 11:42:15AM

    Ciidamada waxaan ku hambalyaynayaa ogaanshaha ay ogyihiin muhiimada difaaca iyo amaanka

  • Bright Livingstone Msuya
    August 16, 2012 @ 11:59:06PM

    Waxaan rajaynayaa in arrinkani uu caawin doono muwadadiniin badan oo reer Tanzania ah, gaar ahaan masuuliyiinta xukuumadda, waayo waxay ugu yaraan heli doonaan macluumaad xaga milatariga ah, sababtoo ah cida dagaalada bilaabaa waa masuuliyiinta.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad