Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo weeraray saldhigyo muhiim ah oo ay al-Shabaab lahayd

Maajo 22, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ayaa Talaadadii (22-ka May) waxa ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay al-Shabaab ku xoog badan tahay oo ku yaal jidka Afgooye, iyagoo dibedda u saaray ciidamada al-Shabaab, AFP-da ayaa werisay..

Dadka dagaanka ayaa sheegay in dagaal xooggan oo la isu adeegsaday madaafiicda culus uu ka dhacay bannaanka magaalada Muqdisho, iyada oo ay taangiyada iyo ciidamada arrootii hore ka ruuqaansadeen Dayniile.

“Arroortii hore ee maanta, ayay ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya waxa ay si taxaddar ah u qaadeen weerar la qorsheeyay si ay amnigii iyo xasilloonidii ugu soo celiyaan dadka ku nool waddada Afgooye,” sidaa waxa war-murtiyeed ku yiri Midowga Afrika.

Ciidamadu waxa ay “Samaynayaan horumar fiican,” ayuu yir Midowga Afrika, halka millatariga Soomaaliyana uu sheegay in dagaalyahannadu ay ka sii cararayaan ciidamada soo socda.

“Haraaga dagaalyahannada al-Qaacida ayaa la il-daran guul-darrooyin waawayn oo la soo gudboonaaday waana ay banneeyeen dhufaysyadii ay ku lahaayeen aagga,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil oo ah sarkaal ka tirsan millatariga Soomaaliya.

“Ciidamadu waxa ay gooyeen waddo muhiim ah oo ku taal bannaanka Dayniile, taasoo uu cadawgu isticmaali jiray marka uu weerarka agaasimayo isla markaana ay dagaalyahannadoodu soo mari jireen si ay u carqaladeeyaan ammaanka magaalada. Hadda halkaa waa laga saaray,” ayuu yiri Ismaaciil.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada