Maajo 20, 2012
Mu’assasadda Tansaaniya ee Jtegemee Vijana (JVTF) ayaa 20 gabdhood oo dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Caruusha ee waqooyiga Tansaaniya, kuna sugan xaala khatar ah middiiba siiyay 300,000 oo shilin ($193) si ay ugu bilaabaan ganacsi, sidaana waxa Sabtidii (19-ka May) qoray wargayska the Guardian ee kasoo baxa Tansaaniya.
Gabdhahan, oo qaarkood horay uga ganacsan jireen jirkooda, ayaa lacagtan la siiyay kadib markii ay qaateen tababar la xiriira shaqada iyo hal-abuurka ganacsiga.
“Kadib markii ay qaateen tababarka, mid walba oo ka mida ka qayb-galayaasha waxa ay awood u yeelatay in ay calaamadsato mashruuc ganacsi oo yar, kadibna ay bilaabaan ganacsigooda u gaarka ah,” ayuu yiri Raymond Mashambo, agaasimaha maamulka mu’asasadda JVTF.
Shan bilood ka dib, dumarkan waxa u suura-gali doona in ay iska bixiyaan lacagtii biloowga ahayd ee la siiyay, markaa bacdamaa ay lacagtu tahay mid soo noqonaysa, barnaamijku waa uu sii ballaaran doona si uu u gaaro dumar dheeraad ah. Waxa uu sheegay in haatanba la filayo in ay tababar helaan 20 gabdhood oo kale.
Mashabmo waxa uu sheegay in barnaamijkan tababar uu ku faafi doono meelo kale oo lagu yaqaan ka-ganacsiga jirka, oo ay ka mid yihiin Mto-wa-Mbu, Karatu and Namanga.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo