Maajo 20, 2012
Tirada dalxiisayaasha yimid Kenya Rubuc-sannadeedka hore ee 2012-ka ayaa xaqiijiyay hoos-u-dhac yar, sida ka muuqata tirakoob ay Jimcihii (18-ka May) sii daysay Wasaaradda Dalxiiska.
Muddadii u dhexeeysa January iyo March ee sannadka ayaa waxa soo gaaray Kenya 312,258, halka ay isla muddadaas sannadkii 2011-kii ahaayeen 313,000, taasoo u dhiganta hoos-u-dhac u ah kala-bar hal boqolkiiba.
Kaliya kala bar kamida 31 suuq ee caanka ku ah dalxiiska ayaa sameeyay koror tirada dalxiisayaasha ah, sida uu qoray wargayska Daily Nation ee Kenya.
Wasiirka Dalxiiska Dan Mwanzo ayaa ku sababeeyay hoos-u-dhaca in uu ka dhashay afduubyada iyo colaadaha ka taagan waddanka. “Afduubyada ka dhacay xeebta Kenya ayaa dhaawacay muuqaalkii dalka isla markaana saameeyn ku yeeshay sumcaddiisii in uu yahay meel ku habboon in loo dalxiis tago,” ayuu yiri.
Yeelkeede, Mwanzo waxa uu ku hamiyay in dakhliga sannadka 2012-ka uu sameeyn doono koror 5% (Shan boqoliiba) ah.
Bishii February, Wasiirkii hore ee Dalxiiska Najib Balala ayaa sheegay in uu filayo in kororka dalxiiska ee 2012-ka uu ahaan doono mid aan horumar sameeyn.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo