Kenya iyo Tansaaniya oo ka wada-hadlaya burcad-badeedda iyo horumarinta

Maajo 20, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ergooyin ka kala socda 18 dal, oo ay ka mid yihiin Kenya iyo Tansaaniya ayaa ka qayb-galay furintaanka xafiis cusub oo laga furay xarunta Ururka Iskaashiga Dawladaha Dhaca Bad-waynta Hindiya ee dalka Mureeyshiyaas, , sidaana waxa Axaddii (20-ka May) qoray wargayska Daily News ee ka soo baxa Tansaaniya.

Wakiilladu waxa ay ka hadleen lixda qodob ee uu ururku mudnaanta siiyo – ammaanka badaha, ganacsiga iyo maal-gashiga, kalluumaysiga, maaraynta musiibooyinka, dalxiiska iyo dhinacyada tayaynta.

“Xaaladda ammaan ee haatan ka jirta qaybo ka mida Bad-waynta Hindiya waa mid liidata,” ayuu yiri Sudhir Vyas, xoghayaha xiriirka dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, oo isagu shir-guddoomiyay kulan ay lahaayeen gole ka kooban saraakiil sar-sare. “Tirada sii koraysa ee xaaladaha burcad-badeednimo iyo dhaca hubaysan ee ka dhaca badda ayaa waxa ay handadaad ku hayaan gaadiidka iyo ganacsiga.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada