Maajo 20, 2012
Qaraxyo dhowr ah oo Muqdisho ka dhacay Sabtidii (19-kii May) ayaa dilay ugu yaraan 7 qof, oo u badan askar Soomaali ah, sida ay warisay AFP.
Bom lagu aasay geed hoostii ayaa waxa uu degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dilay afar askari iyo qof rayid ah, halka ugu yaraan laba askari oo kalena ay ku dhinteen weerar kale oo loo isticmaalay bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo ka dhacay suuqa Bakaaraha.
“Afar askari ayaa dhintay kadib markii la qarxiyay bam lagu aasay geed hoostiisa. Qof rayid ah ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka, ciidamada ammaankuna waxa ay wadaan baaritaan,” sidaana waxa AFP u sheegay Cabdiraxmaan Muumin oo ka tirsan saraakiisha ammaanka Soomaaliya, isaga oo jooga goobta uu qaruxu ka dhacay.
Waxa uu weerarka ku eedeeyay kooxda xag-jirta ee al-Shabaab oo bishii August ee kal hore ka baxay xarumihii ay ku lahaayeen caasimadda, wixii xilligaa ka dambeeyayna xoogga saartay dagaallada dhuumaalaysiga ah.
“Waxan u maleeynayaa al-Shabaab ayaa maleegtay bomka xilli habeenimo ah, oo uunan qofina joogin aagga,” ayuu yiri.
Weerar labaad, ayaa rag aan la garanayn waxa ay bam gacmeed ku weerareen askar Soomaali ah oo duminayay guryo sharci-darro ah oo ku yaalla suuqa Bakaaraha, halkaana ku dilay laba ka mida askarta.
“Qarax wayn ayaa ka dhacay suuqa Bakaaraha iyada oo ay askartu duminayeen guryo sharci darro ah. Waxa uu ahaa weerar lagu fuliyay bam gacmeed, waxaanna arkay maydka laba askari,” sidaana waxa AFP u sheegay Daahir Macallin oo dhacdada goob-joog u ahaa.
Goob-jooge kale oo lagu magacaabo Shamso Maxamed, ayaa xaqiijisay in ay aragtay laba askari oo lagu dilay suuqa Bakaaraha.
Radio Garowe oo kamid ah idaacadaha Somalia ayaa wariyay in ugu yaraan 11 ku dhinteen weerarka bambaane gacmeedka.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waxa la jooga waqti ay tahay in qof kasta oo dalka joogaa inuu feejignaan iyo taxadar dheeraad ah la yimaado.