Maajo 18, 2012
Bilayska Kenya ayaa sheegay Jimcihii (18-ka May) in ay baarayaan nin u dhashay dalka Jarmalka si ay su’aalo uga waydiiyaan xiriirka uu la leeyahay kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida.
Bilayska Kenya ayaa fasax-todobaadeedkii hore bilaabay ugaarsiga ay ku hayaan Axmed Khaalid Mueller oo ka soo jeeda magaalada Bonn ee dalka Jarmalka, iyaga oo leh, waxa laga yaabaa in uu macluumaad ka hayo qorshayaal u dagsan kooxda al-Shabaab.
Arbacadiina, bilayska ayaa sheegay in ay qabteen nin loo malaynayo in uu yahay qofka Jarmalka ah ee laga shakisan yahay, hase-yeeshee si rasmi ah uma ayan sheegin haybiita. Ninkii ayaa waxa uu kama dambaystii noqday nin kale oo u dhashay dalka Jarmalka oo loo qabtay eedaymo la xiriira maan-dooriyaha, sida ay ku warrantay AFP. Saraakiisha bilayska Kenya ayaa sheegay in ugaarsiga lagu wado Mueller uu sii socon doon.
Kenya ayaa waxa ku dhacay dhowr weerar tan iyo markii ay ciidamadeeda u dirtay koonfurta Soomaaliyasi ay ula dagaallamaa al-Shabaab.
Mombasa, ayaa waxa lagu dilay qof waardiye ah shan kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu Talaadadii nin hubaysani rasaas ku furay makhaayadda Bella Vista.
Bilayska Kenya ayaa dadka uga digay in laga yaabo in Mueller uu hubaysan yahay, sidoo kalena ay rumaysan yihiin in uu ku sucdo magacyada ay ka midka yihiin Andreas Martin Muller iyo Abu Nusaibah.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo