Maajo 18, 2012
Ergooyin ka kala socda toddoba dal ayaa Khamiistii (17-ka May) ku kulmay Abu Dhabi si ay isula meel-dhigaan dajinta jaan-gooyooyin wada-shaqayneed oo lagula dagaallamo burcad-badeednimada.
Diblomaasiyiin ka kala socda Talyaaniga, Siishalis, Kenya, Tansaaniya, Taylaand, Pakistaan iyo Siri Laanka – waddamadaa oo ay kulligood saamaysay burcad-badeednimadu – ayaa isku raacay in tallaabooyinka millatari iyo kordhinta gargaarka la siiyo Soomaaliy ay fure u yihiin tallaabooyinka lagu xakamayn karo falalka burcad-badeedda Soomaalida ah.
“Waa in ay jiraan isbaddallo dhaqaale iyo kuwo bulsho oo la xiriira dib u soo kabashada Soomaaliya,” ayuu yiri Giorgio Strace oo ah danjiraha Talyaaniga u fadhiya Imaaraadka Carabta, sida uu qoray wargayska The National ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta. “Gargaarku kaliya maaha wax la bixiyo xilliyada ay taagan yihiin xaaladaha degdegga ah. Waxannu u baahan nahay in aynu la nimaanno heellanaan dheeraad ah.”
“Burcad-badeedda Soomaalidu waxa ay noqdeen awood u taagan wax-burburin sababtoo ah waxa ay heleen dhul ay ku nabad-galaan,” ayuu yiri danjiraha Kena u fadhiya Imaaraadka Carabta Maxamed Geelle. “Waa in aad u diidnaa fursaddaas waana xalkaas kaliya kan lagu istaajin karo,” ayuu yiri Geelle, isaga oo ku baaqay in la qaado tallaabo millatari.
Danjiraha Tansaaniya Maxamed Juma ayaa ka hadlay saamaynta xun ee ay burcad-badeednimadu ku reebtay dhaqaalaha dalkiisa. Juma waxa uu sheegay in dalkiisa ayan sannadkii hore gaarin haba-yaraatee wax maraakiib dalxiis ah, halka ay sannadkii 2006-dii ahaayeen 20 markab.
Burcad-badeednimada ayaa caalamka galisay kharaj dhan ku dhawaad $7 bilyan sannadkii 2011-kii, dhaqaalahaas oo uu ku jiro in ka badan $2 bilyan oo ku baxa howl-gallada millatari, ilaalada hubaysan iyo qalabka lagu ilaaliyo markaakiibta, sida uu sheegay ururka Badaha ka Caaggan Burcad-badeednimada.
Maraakiibta dagaalka NATO iyo kuwa Midowga Yurub ayaa burcad-badeedda kula dagaallamayay badda tan iyo sannadkii 2008-dii. Midowga Yurub ayaa bishii March go’aan ku gaaray in uu dagaalka sii xoojiyo, isaga oo amray in la fuliyo duqayn ka dhan ah sahayda iyo qalabka ay burcad-badeeddu ku kaydsato xeebaha Soomaaliya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo