Maajo 17, 2012
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in uu taageersan yahay sida ay ciidamada badda Hindiya ula dagaallmayaan burcad-badeedda ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaa oo ay ka mid yihiin dadaalka lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo tiro ka badan 60 badmaax oo Hindi ah kuwaa oo ay haystaan burcad-badeeddu.
“Mar walba waxan taageeraa howl-gallada millatari ee lagula dagaallmayo burcad-badeednimada,” ayuu Talifisihinka IBN Live ee Hindiya Arbacadii (16-ka May) ka soo xigtay Faroole. Faroole waxa uu haatan ku sugan yahay New Dalhi, halkaa oo uu marti ugu yahay Golaha Hindiya ee Ummuuraha Caalamka.
Si kastaba ha ahaatee Faroole waxa uu carrabka ku adkeeyay in howlaha millaari kaligood ayan kaafi ahayn. “Waxannu rumaysannahay in illalada dhaqaalaha badani uu ku kaco ee ay sameeyaan ciidamada badda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayan kaligood dabar-goyn karin burcad-badeednimada, inta uu caalamku sii wado iska indha-tiridda duruufaha gudaha ka taagan ee dhaliyay burcad-badeednimada,” ayuu yiri.
Faroole waxa uu sheegay hababka kale ee lagu joojin karo burcad-badeedda ay ka mid yihiin in loo diido in ay badda galaan, isla markaana laga shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha xeebaha Soomaaliya, kuwaa oo markaa dhallinyarada u fidiniya fursado shaqo.
Bishii hore, Ciidamada Midowga Yurub ee jooga Soomaaliya ayaa ku waramay in rubicii hore ee sannadkan 2012-ka ay hoos u dhaceen weerarada guulaystay ee burcad-badeedda marka la barbar dhigo xilligan oo kale sanndikii hore.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo