Barnaamijka Cuntada Adduunka oo Somaliland ka bilaabay mashruuc ay dadku si akhyaarkood ah ugu iibsan karaan cunno aan raagin

Maajo 16, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa Somaliland ka bilaabay mashruuc cusub kasoo kumanaan dad ah siin doona boonnooyin si ay dukaamada uga soo iibsadaan hilib markaa la qalay iyo noocyo cunno ah, sidaana waxaa Talaadadii (15-ka May) shaaciyay Qaramada Midoobay.

“Isticmaalka boonnooyinku waxa ay dadka siin doonto khiyaarro ay ku kala door-bidaan cunnada ay cunayaan, isla markaana waxa ay WFP siinaysaa hannaan cusub oo awood badan kaasoo ay gargaarka cunnada ku gaarsiin karaan dadka ugu nugul,” ayuu yiri Stefano Porretti, oo ah madaxa WFP ee Soomaaliya. “Isla mar ahaantaa, boonnooyinku waxa ay caawin doonaan dhaqaalaha maxalliga ah waayo waxa ka faa’idaysanaya gaddislayda iyo ganacsatada yar-yar iyo kuwa heerka dhexe.”

Dadka Soomaalida ah ee gaaraya 15,000 ee ka diiwaan-gashan barnaamijka ayaa waxa ay bil walba qaadan doonaan $80 lacagtaas oo ay u isticmaali doonaan in ay ku gataan bariis, saliidda wax cunnada lagu karsado iyo hilib. WFP ayaa qorshaynaysa in ay ballaariso barnaamijka, kaasoo ay sheegtay in si guul leh loogu baddalayo qaabkii qaybinta raashinga garaamaadka ah.

WFP ayaa qaybinta boonnooyinka waxa ay ka wada-shaqaynayaan Golaha Qaxootiga ee Denmark (Danish Refugee Council), iyada oo sidoo kalena xiriir lagala sameeynayo hay’adda Medair, oo ah hay’ad aan dawli ahayn oo barnaamij nafaqayn ah ka wadda Burco, halkaas oo uu ka bilaaban doono wajiga koowaad ee barnaamijka boonnooyinka.

WFP ayaa qorshaynaysa in ay gaarsiiso barnaamijka boonnooyinka dhammaan dalka, meelaha ay duruuraha suuqu saamaxayaan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada