Bilayska Kenya oo hal tuhmane u qabtay weerar bambaano ee lagu qaaday makhaayad ku taal Mombasa

Maajo 16, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya ayaa qabtay nin looga shakiyay in uu ku lug lahaa weerar bambaano oo lagu qaaday makhaayad ku taal Mombasa kaasoo dilay haweenay isla markaana dhaawacay saddex qof, sidaana waxa Arbacadii (16-ka May) warfidiyeenka u sheegay Taliyaha Bilayska Mathew Iteere.

Weerarka oo dhacay habeeynimadii Talaada, ayuu nin hubaysani waxa uu rasaas ku furay makhaayadda Bella Vista, kadib markii ay ilaaladu isag iyo laba la fulinayay jariimada ka hor istaageen in ay galaan makhaayadda. Labadii qof ee dambiga la fulinayay ayaa bambaane ku tuuray makhaayadda dabadeedna baxsaday.

Mid ka mid ah bambaanooyinka ayaa ku qaraxday meel u dhow albaabka laga galo makhaayadda, halka tan kalena ay ku qaraxday gaari dibadda yiillay.

“Waxa naga dhintay hal dhibanne, haweenay waardiye ka ahayd cawayska, waxa ay ku dhimatay isbitaalka,” ayuu taliyaha bilayska gobolka Aggrey Adoli u sheegay AFP-da.

Saddex qof oo dhaawac ah ayaa wali ku jira Isbitaal, iyada oo mid ka mida dadkaasi ay xaaladdiisu culus tahay. “Tuhmanuhu waa mid ka mida saddexdaa dhaawaca ah,” ayuu yiri Iteere. “Haatan waxa ilaalo ka haya bilayska.”

Tuhmanaha ayaa wax yar weerarka kadib waxa uu goostay tigid baseed si uu uga tago Mombasa, ayuu yiri Iteere.

“Waxaannu ka qaadnay tigidkii baska, markii ay saraakiishayadu tageen astaankii baskana, waxa ay heleen boorsadiisii, oo ay ku jiraan joornaal ay ka buuxaan siddeed silsiladood oo rasaas ah,” ayuu yiri. “Waxan sidoo kale ka helnay kambiyuutar gacmeed aannu hadda baaritaan ku wadno.”

Iteere waxa uu sheegay in bilaysku uu mar horeba u raadinayay eedaysanaha sababtoo ah “ku lug lahaanshihiisa weeraro kale oo horay u dhacay”.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda, inkasta oo Xarunta Dhallinyarada Muslimiinta Kenya, oo ah koox xiriir la leh al-Shabaab, ay soo dhawaysay weerarka.

“Saaka, yaa aad u faraxsan yaase murugoonaya? Arrintaa ka fakar. Isaga bax Soomaaliya!” Mid ka mida farriimaha kooxdaa ee Twitter ayaa sidaa loo qoray. “Hal bambaane ama laba lagu dhufto bar-tilmaameed munaasib ah ayay ugu dhammaanaysaa dhaqaalaha Kenya.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • eddy
    May 17, 2012 @ 02:06:10PM

    Falalkani waa falal fulaynimo, mana aha in loo dul qaato falalkan oo kale.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada