Maajo 15, 2012
Heerka dambiyada culculus ee ka dhaca Tansaaniya ayaa sameeyay hoos u dhac 19% ah marka la barbar-dhigo labadadii sano ee la soo dhaafay taasoo loo tirinayo dadaal dheeraad ah oo ay la yimaadeen bilaysku, sidaana waxa Isniintii (14-ka May) Darusalaam ka sheegay Isbatooraha Guud ee Bilayska Said Mwema.
“Inkasta oo ay jiraan caqabado haysta gobolka, haddana sida ku cad warbixinta sannaka 2010-ka illaa 2011-ka, dambiyada la xiriira argagixisada, burcad-badeednimada, daabulka dadka iyo dambiyo kale oo arrimahaa la xiriira ayaa si fiican wax looga qabtay,” ayuu yiri Mwema, sida uu sheegay wargayska Daily News ee ka soo baxa Tansaaniya.
Mwema ayaa u tiriyay hoos-u-dhaca dambiyada istiraatijiyadda ay ciidanka bilasku kula diriraan dambiyada xuduudadaha ka soo tallaaba. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidanka Tansaaniya ay iska kaashadeen dhiggooda Koonfurta Afrika si ay u baaraan dambiyada ka dhaca gobolka.
Daabulka dadka iyo burcad-badeednimada ayaa wali ah dhibaatooyinka ugu waawayn. Mwema waxa uu sheegay in la diiwaan-galiyay qiyaasta 144 xaaladood oo la xiriirta daabulka dadka, marka la barbar dhigo sannadkii 2011-kii oo la diiwaan-galiyay 124 xaaladood.
Al-Shabaab iyo al-Qaacida ayaa sidoo kale khatar ku haya gobolka, ayuu Mwema ka sheegay kulan ay yeesheen Ururka Iskaashiga Taliyayaasha Bilayska Gobolka Koonfurta Afrkia.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo