Al-Shabaab oo banneeysay degmooyinka Galgaduud

Maajo 15, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Al-Shabaab ayaa isaga huleeshay qaybo ka mida degmooyinka Galgaduud Talaadadii (15-ka May) kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ahlu Sunna wal Jamaa iyo ciidamada Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin dhankooda.

Dagaalyahannada al-Shabaab ayaa ka baxay Jacar, Gal-hareeri iyo Bargan oo ku taxan xudduuda degmooyinka Ceel-buur iyo Ceel-dheere, sidaana waxaa Radio Bar-Kulan oo ay maal-galiso QM u sheegay Cabdi Xasan Maxamed oo ah madaxa ammaanka ciidamada Ahlu Sunna wal Jamaaca. Ahlu Sunna wal Jamaaca ayaa Ceel-buur xoraysay bishii March, waxaanay u babac-dhigeen weerarro xigay oo ay al-Shabaab soo qaadday April.

Maxamed waxa uu sheegay in la arkayay tiro badan oo ka mida dagaalyahannada al-Shabaab oo sii baxayay. Waxa uu ugu yeeray Soomaalida in ay ku soo noqdaan guryahooda mar haddii ay haatan al-Shabaab halkaa isaga baxday, waxana uu ballan ku qaaday in howlo bini’aadanimo iyo kuwo amni laga bilaabi doono degmooyinka laga baxay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada