Ciidamada badda Midowga Yurub oo qalab burcad-badeed ku burburiyay xeebaha Soomaaliya

Maajo 15, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Diyaarad hubaysan oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamadda badda Midowga Yurub (MY) ayaa Talaadadii (15-ka May) xeebaha Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ku weerartay goob ay burcad-badeeddu ku keydsan jireen doonyaha dheereeya.

“Waxan rumaysannahay in tallaabadan ay qaadeen ciidamada badda ee MY ay cadaadiska ku sii kordhin doonto isla markaana ay arbushi doonto isku dayga burcad-baddeedu ay ku doonayaan in ay badda ugu safraan si ay weerar ugu qaadaan maraakiibta ganacsiga iyo doonyaha dalxiiska,” ayuu yiri Admiraal Duncan Potts, oo taliyaha howlgallada ee ciimada badda MY.

Maraakiibta dagaalka NATO iyo MY ayaa burcad-badeedda kula dagaallamayay badda tan iyo sannadkii 2008-dii, haseyeeshee MY ayaa bishii March go’aan ku gaaray in uu kordhiyo dagaalka oggolaadayna in weerar lagu qaado sahayda iyo qalabka kaydka ah ee burcad-badeedda u yaal xeebaha Soomaaliya. Amarkan cusub ayaa u oggolaanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaraduhuba in ay rasaas ku furaan fuustooyinka shidaalka, doonyaha, gawaarida xamuulka iyo qalabka kale ee burcad-badeedda u yaal xeebaha, iyada oo ayan ku jirin burcad-badeedda ruuxooda. Waxa sidoo kale uu amarku reebayaa in la geeyo ciidamo dhulka ah.

Ciidamada badda MY ayaa sheegay in wax Soomaali ahi ayan ku dhaawacmin weerarka.

“Soomaalida degaanka ku nool iyo kalluumaysatadu – oo qaar badan oo ka mid ahi ay in badan la dhibaatoodeen sababtoo ah burcad-badeedda gobolka ku sugan -- waxay ay ku kalsoonaan karaan in bar-tilmaameedkeennu uu ahaa sahay ay leeyihiin burcad-badeeddu oo aynu ognahay goobta ay taal, mustaqbalkana uu sidaa sii ahaan doono,” ayuu yiri Admiraal Potts. Howl-galka Atalanta “waxa ka go’an in uu sii wado dagaalka uu kula jiro burcad-badeedda ku sugan Geeska Afrika,” ayuu hadlkiiska raaciyay.

Howlgalka MY ee Atalanta ayaa tan iyo 2008-dii waa uu xeebaha Soomaaliya geeyay tira u dhexeeysa shan illaa 10 maraakiibta dagaalka ah si ay u galbiyaan shixnahadaha gargaarka bini’aadannimo kana hor-istaagaan burcad-badeedda weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee ku goosha marin-badeedka mashquulka ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Midowga Yurub ayaa sheegay in haatan ay burcad-badeeddu haysato siddeed markab iyo 235 bad-maaxe.

Burcad-badeednimada ayaa 2011-kii waxa ay caalamka ugu kacday dhaqaale gaaraya $7 bilyan, kharaashaadkaas oo ay ka mid yihiin $2 bilyan oo ku baxay howl-gallada millatari, ilaallada hubaysan iyo qalabka lagu ilaaliyo maraakiibta sida ay ku warantay kooxda ilaalada ee Badaha Ka-madax-bannaan Burcad-badeednimada (Oceans Beyond Piracy).

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada