Maamulka Muqdisho oo la dagaallamaya kuwa askarta isu ekaysiisa

Maajo 14, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Sarkaal sare oo ka mid ah maamulka gobolka Banaadir ayaa Axaddii (13-ka May) sheegay in ay dawladdu la dagaallami doonto dembiilayaaasha u lebbista sida ciidanka dawladda Soomaaliya, SONNA ayaa werisay.

Ciidamada ammaanka ayaa la dagaallami doona dembiilayaasha u lebbista sida ciidanka oo markaa dila oo dhaca muwaaddiniinta Muqdisho, ayuu yiri Ku-xigeenka Guddoomiyaha Banaadir, Warsame Maxamed Xasan oo la hadlayey warfidiyeennada. Wuxuu ciidamada qaranka Soomaaliya ku ammaanay sida ay u hagaajiyeen nabdoonaanta caasimadda.

War kale ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise uu Raadiyow Muqdisho u sheegay in ciidamadii amniga ee ku soo tababbartay Ugaandha ay toddobaadyada soo socda ku soo laaban doonaan Muqdisho si ay uga qayb-qaataan hawlgallada nabadgelyo ee soconaya ee ka dhanka ah al-Shabaab.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad