Daaru Salaam oo laga billaabay in mobaylada lagu iibsado tigidhada basaska

Maajo 13, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dadka deggan magaalada Daaru Salaam ayaa haatan awoodi doona in ay tikidyada basaska ku iibsadaan telefoonnadooda gacanta, The Guardian oo ka soo baxda Tansaaniya ayaa arrintaa Sabtidii (12-ka May) werisay.

Adeeggan oo la bixinayo iyadoo ay iska kaashanayaan shirkadaha telefoonnada gacanta iyo kuwa basaska ayaa wuxuu qiimaha tikidka ka dhigayaa sidii uu horay uga ahaa shirkadda Sumatra. Toban bas ayaa ilaa haatan adeegga isticmaalaya.

"Adeegga ayaa bixinaya dhamaan faahfaahinnada muhiimka u ah iibsiga tigidhada, oo ay ka mid yihiin lambarka kursiga, lambarka taxanaha, lambarka taargada baska, taariikhda iyo waqtiga dhaqaaqa,” ayay tiri maareeyaha iibsiga iyo suuq-geynta ee Metro Coach Bus, Nancy Mtenda. "Sidaa darteed, ma jirto sabab uu qofku shakhsi ahaan ugu yimaaado meesha tigidhada laga iibsado.”

Agaasimaha Maaraynta ee Mobile Ticketing Limited, Albert Muchuruza ayaa sheegay in adeeggu uu macaamiisha u oggolaan doonaan in ay ka dhawrsadaan qiime kacyada ay sababaan dadka dillaaliinta ah ee jooga saldhigyada basaska, iyo weliba tuugnimadii mararka qaar ka dhici jirtay meelaha ay dadka badan isugu yimaadaan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada